Wednesday, June 25, 2025

XOG: Ciidamada Kenya ee ku sugan Kismaayo oo ka qeyb qaatay jebinta Xayiraadii Dowladda Somalia

Ciidamaada Dowladda Kenya ee qeybta ka ah AMISOM, kuna sugan Magaalada Kismaayo ayaa la xaqiijiyey inay ka qeyb qaateen jebinta xayiraadii ay dowladda Somalia saartay Garoonka Diyaaradaha magaalada Kismaayo.

Ciidamada Kenya oo si gaara ula shaqeeeya maamulka Axmed Madoobe ayaa diyaariyey oo dusha kala socday, isla markaana difaacayey diyaarado kasoo duulay magaalada Nairobi oo magaalada Kismaayo ka degay xilli ay dowladda Somalia ku amartay diyaaradaha ka imaanaya dalka Kenya ee ku socda magaalada KIsmaayo ay maraan garoonka Kismaayo, sida laga soo xigtay warbaahinta Kenya oo soo xigatay ilo ka mida saraakiisha ciidamada Kenya.

Diyaaradii hore ayaa magaalada Kismaayo ka dejisay siyaasiyiin Soomaali ah oo ka horjeeda dowladda federalka, ayna ka mid ahaayeen madaxweynayaashii hore ee maamullada K/Galbeed iyo Galmudug Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo C/kariin Xuseen Guuleed, waxaana dowladda Somalia ay akhtako ka dhan ah diyaaradaasi u gudbisay Hay’adda duulimaadka rayidka Q/Midoobay ee ICAO iyo Dowladda Kenya.

Amar jebintii ciidamada Kenya ee rasmiga ahay waxay dhacday markii wafdi ka socda dowladda Kenya oo uu hoggaaminayey guddoomiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aden Barre Ducaale, iyadoo diyaarad wafdiga Kenya siday ay ka degtay magaalada Kismaayo, kana qeyb galeen caleemo-saarka Axmed Madoobe.

Ciidamada Kenya ee ka mida AMISOM oo Somalia kusoo galay iyagoo aan wax sharciyad ah heysan, balse markii danbe lagu daray ciidamada AMISOM ayaa dhowr jeer oo hore lagu eedeeyay inay faraha kula jiraan falal ka baxsan shaqada AMISOM, sida ganacsiga Dhuxusha iyo Sonkorta sharci darrada ah, waxaana qarsooneyn inay taageero gaara siiyaan hoggaamiyaha maamulkaasi Axmed Madoobe oo xilligan aysan aqoonsaneyn dowladda Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON