Sunday, July 13, 2025

XOG CULUS: Cumar C/rashiid oo si qarsoodi ah Xoghaye ugu magacaabay Wasaaradda Maaliyadda

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali “Sharma’arke” oo sii wada magacaabidda xilal muhiim oo si qarsoodi ah ku socda ayaa dhowaan xoghaye joogto ah u magacaabay Wasaaradda Maaliyadda.

Cumar C/rashiid ayaa magacaabay xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Maaliyada xukuumadda Soomaaliya, waxaana xilkaasi uu u magacaabay nin ay qaraabo yihiin oo lagu magacaabo Axmed Dayib Nuur, kaasoo ka howlgalay Wasaaradda Maaliyadda, iyadoo aan saxaafadda loo soo badhigin magacaabiddiisa.

Xilka xoghayaha joogtada ayaa la sheegay inaysan hore u lahayn Wasaaradda Maaliyadda xilliyadan danbe, lama oga sababta uu Ra’iisal wasaaraha u soo kordhiyay xilligan kala guurka ah, marka laga reebo shakiga ay qabaan madaxa Wasaaradda Maaliyadda ee ku saabsan loolanka madaxda sare ku dooneyso in ilaha dhaqaalaha kula wareegaan.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in is mari waa’ ka taagan yahay shaqada Wasaaradda Maaliyadda taasoo uu sababay xoghayaha cusub ee uu soo magacaabay Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid.

AKHRI XILKA KALE EE RA’IISAL WASAARUHU MACGAABAY

XOG: Cumar C/rashiid oo si qarsoodi ah nin ay ehel yihiin u magacaabay jagadii Wasiiru dowle Burci Max’ed Xamza

UGAARA GOOBJOOGE.COM

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON