Thursday, June 26, 2025

XOG CULUS & FAAQIDAAD: Maxaa fashiliyay Xildhibaanadii Mooshinka ka waday Madaxweynaha..?

FAAQIDAAD U GAARA GOOBJOOGE.COM

Kadib qoraalkii uu xalay 25-kii September soo saaray guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa dad badan is weydiinayaan sida xildhibaanada wada mooshinka Madaxweynaha ugu fashilmeen inay mooshinkaasi u meel mariyaan, waxaana dib idinkugu celineynaa dhacdooyin muhiim ah oo dhacay intii lagu mashquulsanaa shirkii wadatashiga ee Muqdisho oo ku dhiirigelinay guddoomiyaha Baarlamaanka inuu go’aankan qaato.

xildhiban-moshin

Arrimahaas waxaa ka mida:

  • DHACDO GACAN-KA HADAL AH OO DHEX MARTAY XILDHIBAANADA MOOSHINKA WADAY

Laba xildhibaan oo ka tirsan xildhibaanada Mooshinka ka keenay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dagaal gacan-ka-hadal ah ku dhex maray kulan ay la lahaayeen Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari).

Arrintan ayaa ka dambeysay kulan Villa Hargeysa ku dhex maray guddoonka Baarlamaanka iyo xildhibaanada mooshinka madaxweynaha oo lagu gudbinayay Jawaab caddeymo wadata oo xildhibaanadaasi ku sharxayaan qodobada ay ku soo eedeeyeen madaxweynaha sida uu ka codsaday guddoomiyaha Baarlamaanka.

Kulankaasi ayay qaar ka tirsan xildhibaanada Mooshinka wada ku gudbiyeen jawaabta caddeymaha eedeynta Madaxweynaha, waxaana xubnaha soo qoray eedeymaha ka mid ahaa Xildhibbaanada kala ah: Cabdi Xoosh, Fowsiyo Xaji, C/llaahi Goodax, Kabaweyne iyo koox kale, laakiin waxaa arrintaasi ku baraarugay xildhibaanada kale ee shirka joogay oo aan waxba kala socon jawaabta loo gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Waxaa muran ka dhex dhashay xildhibaanadii Mooshinka dhexdooda oo qaarkood ay is-weydiiyeen jawaabta iyo cidda diyaarisay, waxaana ugu dambeyn ay dhalisay inay gacanta isula tagaan laba xildhibaan oo lagu kala magacaabo C/kaafi Macalin Xasan iyo Xildhibaan C/kariim Daahir Shariif.

Kulankii ayaa isku bedelay fowdo iyo qas waxaana Guddoomiyaha Baarlamaanku u sheegay xildhibaanada mooshinka wada in jawaabta ay keeneen aysan ahayn wixii la weydiiyay ee laga sugayay, dibna u soo celiyaan jawaab sax ah oo ay ku mideysan yihiin.

  • CADDEYMIHII KHIYAAMO QARAN OO LA WAAYAY

Jawaabtii laga sugayay xildhibaanada Mooshinka wada waxaa ugu muhiimsanaa arrinta “KHIYAAMO QARAN” oo ka mid ahayd qodobada ugu waaweyn ee lagu soo eedeeyay madaxweynaha kana mid ahaa mooshinkii madaxweynaha. Caddeymo loo raadiyay arrintan ayay ku guuleysan waayeen xildhibaanada wada mooshinkani waxayna keeneen arrimo aan gaarsiisneyn qiyaamo qaran oo sharci ahaan la duray.

Arrintan ayaa ahayd tan ugu weyn ee dhabarka ka jebisay xildhibaanada u fadhiyay muddo 7-aad ka badan inay keenaan caddeymo loo adeegsan karo inuu madaxweynuhu galay khiyaamo qaran. Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sharci ahaan ciriiri ku geliyay xildhibaanada mooshinka wada oo ugu danbeyntii uu kaga guuleystay.

  • WADAHADALKII AY OGOLAADEEN

Sababta kale ee fashilisay xildhibaanada mooshinka ka keenay madaxweynaha ayaa noqotay inay markii horeba aqbaleen in waanwaan ay ka galaan Mooshinka, tani waxay sharciyadii ay ku taagnaayeen ka dhigtay mid meesha ka baxday oo xeer jajab ay galeen, waana qodobka ugu weyn ee Mooshinkani u jabay inuu noqdo mid taagan.

Wadahadal iyo waanwaan uu dhinac socdo mooshinka sharci ah waxay ahayd khamaar siyaasadeed oo guddoomiye Jawaari uga guuleystay xildhibaanadan iyo shabaqii ugu horeeyay ee ay ku dhaceen xilli ay ahayd inay ku taagnaadaan sharci ahaan Mooshin, meelna iska dhigaan wixii ka soo haray.

Waxaa la yaab leh sida Gudoomiye Jawaari xildhibaanadan ula tacaalay ilaa markii dambe uu mooshinkoodii macna-beel u bedelay, warkii ugu danbeeyay iyo qoraalkiisii ugu danbeeyay Jawaari wuxuu ku sheegay in haddii lagu guuleysan waayo wadahadalka uu mooshinu sii socon doono.

  • GABAGABO

Haddii la isku soo xooriyo Mooshinkii madaxweynaha laga keenay oo xiisad culus geliyay dowladda Federaalka, habeeno badanna hurdada u diiday Xasan Sheekh Maxamuud waxaa muuqata inuu fashilmay sababta ugu weyna ay tahay guddoomiye Jawaari oo ka shaqeeyay inuu sidaas ku dhammaado, waxaase la fahmi karaa in xaaladu sidan uga wanaagsan tahay intii sanadka haray lagu jiri lahaa xiisad iyo is-heysad kale.

XOGAHA GOOBJOOGE.COM

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON