Wednesday, June 25, 2025

XOG CULUS: Fadeexadii Xildhibaan Fowsiya Yuusuf & Qodobkii khiyaamo Qaran ee Mooshinka Madaxweynaha

Xildhibaanad Fawsiya Yuusuf Xaaji ayaa fadeexad culus kala kulantay qodob ay ku lahayd Mooshinkii xil ka qaadista Madaxweyne Xasan Sheekh ee uu dhowaan soo afjaray guddoomiyaha Baarlamaanka qodobkaas oo ahaa midka ugu culus ee lagu soo eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh.

xasan-fowsiya

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, haddana ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka waxay Mooshinka ku dartay qodobka ku saabsan  “Inuu Madaxweyne Xasan Sheekh galay Khiyaamo Qaran”, waxaana Guddoomiyaha Baarlamaanka uu ka dalbaday Xildhibaanada Mooshinka waday inay caddeyo u keenaan qodobada ay ku soo eedeeyeen Madaxweynaha.

Guddigii xildhibaanada keenay Mooshinka Madaxweynaha ayaa kulamo ay arrintan ka yeesheen wxaa xildhibaada qoray eedeymaha mid waliba laga codsaday inuu caddeymo u raadiyo qodobada eedeynta, iyadoo Fowsiya Yuusuf-na uu ku soo beegmay qodobkeedii khiyaamada Qaran.

Fowsiya ayaa caddeyn ahaan u keentay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu lunsaday hantidii qaranka Soomaaliyeed uga xayirneyd dalalka dibadda oo shirkado shisheeye ay qandaraas lagu siiyay inay u doodaan soona celiyaan lacagahaasi oo qaarkood dib loo soo celiyay.

Arrintan ayaa noqotay mid dib ugu soo laabatay Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji, maadaama ay ahayd xilligaasi wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, waxayna ahayd qofkii fuliyay howshaasi, kuna saxiixan dokumentiyada kiiskaasi oo dhan, horeba ay marar badan warbaahinta uga difaacday isla arrintan.

Khiyaamo

Dood dhex martay xildhibaanada kale ayay Fowsiya  ku dooday in howshaasi uu madaxweynaha u diray, kuna amray inay fuliso, laakin waxaa la isla gartay in arrintaasi ay iyada ku soo laabaneyso ayna fadeexad ku noqoneyso, sidaasina waxaa ku fashilmay qodobkii ugu weynaa ee loo cuskanayay xil ka qaadista iyo mooshinka Madaxweynaha.

Xildhibaanada kala ah : C/llaahi Goodax Barre, Fowsiyo Yuusuf Xaaji iyo xubno kale oo xilal wasiir hore u soo qabtay ayaa laga hayaa kiisas waaweyn oo musuqmaasuq ah oo ay soo xaqiijiyeen Hanti dhowrka guud iyo xeer ilaalinta balse la hor istaagay in lagu soo eedeeyo si aysan xaalada lug ugu yeelan madaxweynaha iyo madax kale oo kiisaskaasi kula jira.

WARKII GUDDIGA UN-KA KA QORAY KIISKAN QEYB KA MIDA

[blockquote style=”3″] 16 JULY 2014: Sida lagu sheegay Warbixin cusub oo ka kooban 37 Bog (Page), Madaxweyne Xasan Sheekh, Fowsiya Yuusuf iyo Shirkad Mareykanka laga leeyahay ee Shulman Rogers, ayaa adamacsan Shirqool ah in Hantida Soomaaliya ee dibadaha ku xayiran, ay si shaqsi ahaaneed u weecsadaan. Warbixintan ayaa ah Natiijadii kasoo baxday Baaritaano uu sameeyay U.N. Monitoring Group oo loo gudbiyay Golaha Ammaanka ee QM, waxaana lagu sheegay in Xogta ay soo uruuriyeen ay muujineyso in Hanti Qaran la doonayey in loo adeegsado Dano Shaqsi ah. Xasan Sheekh, Fowsiya & Shirkadda Shulman Rogers, ayaa ku heshiiyay in Dantida dibadda looga xayiray Soomaaliya Bilawgii dagaalka Sokeeye ee 1991 & Dhaqaalaha ay ugu deeqeen Beesha Caalamka dib u dhiska dalka in ay la wareegaan.

Hantida Dibadda uga xariyan Soomaaliya, waxaa ka mid ah Lacag Caddaan ah iyo Dahab kuwaasi oo yaallay BangiyadaCaalamka inta lagu guda jiro Labaatan Sano ee Fowdada iyo Colaad dalka.

Warbixinta ayaa sheegtay in Shirqoolka ay ku lug leeyihiin Madaxweyne Xasan Sheekh, Shirkadda Mareykanka ee Shulman Rogers oo dhanka Sharciga ka shaqeysa iyo Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan iyo laba qof oo kale oo ay sheegtay inay u kala dab qaadayeen Shulman Rogers  iyo dowladda Soomaaliya.

Labada Qof ee sidoo kale Warbixinta lagu xusay ayaa waxa ay kala yihiin Musa Haji Mohamed Ganjab iyo Abdiaziz Hassan Giyaajo Amalo, kuwaasi oo u kala dab qaadaya Dowladda Soomaaliya & Shulman Rogers.

Hassan Giyaajo Amalo, waa Muwaadin Mareykanka ah oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya, waxaana uu kamid yahay La Taliyaasha Madaxweyanaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, halka Musa Haji Mohamed Ganjab uu yahay Ganacsade.

Musa Haji Mohamed Ganjab iyo Abdiaziz Hassan Giyaajo Amalo & Fowsiya Yuusuf Xaaji waxa ay ahaayeen Shaqsiyaadka laso heshiiyay Shirkadda Shulman Rogers, iyagoo markaasi ku helayo 6% Handida la dhacayo.

Cadeeymo kale in Musuq-maasuq jiro

Gudoomiyihii Bangiga Dhexe, Yusra Abrar ayaa Muqdisho kasoo carartay Bishii October 2013, iyadoo Mudo 7 Todobaad ah ay haysay Xilkaasi, waxaana ay sheegtay in lagu qasbay inay u Saxiidxo Shulman Rogers Heshiis lagu dhacayo Hantida Qaranka.

Abrar ayaa Istiqaaladeeda Email ugu soo dirtay Madaxweyne Xasan Sheekh iyadoo ku sugan magaalada Dubia, waxaana ay sheegtay in Xilka uga degtay Caga-jugleyn & cadaadis ay kala kulantay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya, Keydmedia Online ayaa aheyd Warbaahinta ugu horeysay oo waagaas Xogtaas soo bandhigtay.

Monitoring Group, ayaa Daba-gal ku sameeyay Sababah keenay Iscasilaadda Yusra Abrar, waxaana ay ogaatay in Madaxweyne Xasan Sheekh & Fowsiya ay Bishii July, 2013 ay Qanadaraas la galeen Shulman Rogers, kaasi oo ah in 5% ay qaadato Shirkadda Handida dibadda ku xayiran, inta kalena lagu leexiyo Bangiyo ay isticmaalaan Madaxweyanaha & Fowsiya.

“Abrar waxa ay ka codsatay Madaxweyne Xasan Sheekh in uusan taageerin Heshiiska Shirqoolka ah, balse taasi ma uusan yeelin ee waxa uu ku amray in ay Heshiiska Saxiido” ayaa lagu yiri Warbixinta.

Abrar waa ay diiday in ay saxiiddo Heshiiska ama Qandaraaska Shulman Rogers ee ay Shirkada ugu doodayso in Handida Soomaaliya dibadda u taalla la faxaso, laguna wareejiyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaalia.

Wasiir ku xigeenkii hore ee Maaliyadda DFS ayaa ku cadiiday Abrar in ay Bangi Accoun ka furta Magaalada Dubai, si loo dhigo Handida isagu jirta Lacagta & Dahabka u taalla Soomaaliya Bangiyada Caalamka, balse taasi waa ay diiday sidoo kale iyadoo ka cabsatay in Dano gaar ah loo isticmaalo.

Iscasilaadii Yusra Abrar ayaa Mugdi & Shaki gelisay Dowladaha Deeqaha siiya Soomaaliya, waxaana ay hakad geliyeen Balaayiin Dollar oo loogu yaboohay DFS Shirkii Brussels.

[/blockquote]

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON