Saturday, June 28, 2025

XOG CULUS: Farmaajo oo Qorshihiisa Doorashada iyo sii joogista Xukunka la wadaagay xildhibaano taageersan

Madaxweynaha muddo xilkeedkiisu dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa markii ugu horeysya qorshihiisa Doorashada iyo sida uu doonayo inuu xukunka ku sii joogayo la wadaagay xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ee sida weyn u taageersan.

Xogta la helay ayaa sheegeysa inuu arrintan kusoo qaaday kulan uu habeen hore la yeeshay qaar ka mida xildhibaannada taageersan intii aanu bilaaban kulankii Afisyoone ee shalay oo xukuumaddu ku dhawaaqday inuu fashilmay, isagoo xildhibannada la wadaagay inuu fashilmayo shirka Afisyoone, kadibna muddo kororsi laba sano ah uu Baarlamaanka xika u kordhin doono Hay’adaha Dowladda.

Wuxuu kaloo Farmaajo u sheegay xildhibaannada taageersan oo ka mida kutladda ‘Hiil Qaran’ ee dhowaan la dhisay in muddo laba sano ay ku qaban doonaan doorasho Qof iyo Cod ah, kadibna ay bedeli doonaan muddo xileedka Madaxweynaha oo laga dhigi doono 5 sano, taasoo uu hubo inuu isagu ku guuleysan doono Doorashada dhaceysa 2013, sidaasina uu xilka ku heyn doono ilaa 2027.

Xildhibaannada kulanka la yeeshay Maxamed Farmaajo oo kaliya ogaa muddo kororsi 2 sano ah oo Hay’adaha dowladda ee xilligoodu dhammaaday ayaa la yaabay qorshaha cusub ee ah Doorashada Qof iyo Codka ah ee uu wato iyo sida loo hirgelin doono.

Kutlada xildhibannada taageersan Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dhowr jeer Muqdisho ku shiray iyagoo si weyn u taageeray dowladda, waxaana la dhisay iyadoo loogu jawaabay kutladda Badbaado Qaran ee xildhibaannada Mucaaradka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON