Mooshinka xil ka qaadista madaxweyne Xasan Sheekh oo 93 xildhibaan ay saxiixeen ayaa la sheegay inay halis weyn soo wajahaday sharcinimadiisa kadib markii xildhibaano ka mida kuwii saxiixay la sheegay inay dacwad ka keeneen Mooshinkaasi iyagoo ku dooday inaysan waxba kala socon oo laga been abuurtay.
Xildhibaanno gaaraya ilaa 10 xildhibaan ayaa qoraal dacwad ah xalay gaarsiiyay Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya waxayna kulan la yeesheen Guddoomiye Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) iyagoo gacanta ka geliyay qoraal ay ku sheegeen in laga been abuurtay saxiixyadooda.
Xildhibaanadaasi oo ay wehliyaan xildhibaano kale oo qaarkood wasiiro yihiin ayaa shir xasaasi ah oo kulul la qaatay guddoonka Baarlamaanka oo arrintan dood dheer ku dhex martay labada dhinac ayuu guddooniyaha Baarlamaanka ka cago jiiday, maadaama uu jirto qodob ka mida xeer-hoosaadka Baarlamaanka oo qeexaya inuusan xildhibaanku ka noqon karin marba haddii uu saxiixo mooshin uu aqbalay guddoonka Baarlamaanka.
10 xildhibaan ayaa ku doodaya in intooda badan aan lagala tashan Mooshinkan, qaarkoodna ay saxiixaan mooshinka lix bilood ka hor oo aan dib loogu soo celin haddana aanay diyaar u ahayn inay ka mid noqdaan mooshinka looga horjeedo madaxweynaha Soomaaliya.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan ayaa xalad adag soo food saartay wuxuuna hadda qiyaasayaa inuu qaato laba go’aan midkood oo kala ah:
Inuu mooshinka sidiisa ku wado, iskana dhega tiro xildhibaanada dooda qaba
iyo inuu mooshin jaban noqdo oo dib loo celiyo si tirada loo soo buuxiyo
Labadan go’aanba waxay dhalin karaan qalalaase weyn oo Baarlamaanka soo dhex gala, waxayna xaaladu u muuqataa mid ka adag mooshinkii xil ka qaadista Ra’iisal wasaarihii hore C/weli Sheekh Maxamuud.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]