Khasnajigii Wasaaradda Maaliyadda dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inuu la baxsaday lacag malaayiin ah doolar ah.
Khasnajigan oo magaciisa lagu soo gaabiyay Santooni ayaa xogta ay heshay Goobjooge.com sheegeysaa in arrintiisu bilaabatay markii xilka laga qaaday, kadibna la sugayay inuu xilka wareejiyo.
Lacagta uu la baxsaday Khasnajigii Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa la sheegay inay gaareyso 2 Milyan oo Doolar, taasoo ahayd lacag uu muddo dheer hadba qaar ka qaatay Khasnada dowladda.
Waxaa mar qura la waayay meel uu jaan iyo cirib dhigay Khasnajiga oo markii dambe la xaqiiqsaday inuu goostay.
Goobjooge.com