Friday, June 27, 2025

XOG CULUS: Ku-simaha Ra’iisal Wasaraha oo Golaha wasiirada ka ansixiyay Guddi hore loo diiday

Kusimaha Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, ahna wasiirka Cadaallada C/laahi Jaamac Ilkajiir ayaa maanta shir uu isugu yeeray golaha wasiirada ka ansixiyay  dhisme guddi muran ka jiray oo hore Golaha wasiirada dib u celiyeen kadib markii dood ka dhalatay.

Shirkii Golaha wasiirada ee maanta oo ahaa mid qaabka loo qabtay aad loola yaabay waxaa kaliya ka soo xaadiray 4 wasiir (AKHRI LA YAABKA SHIRKAASI), Waxaana wasiiradii oo intooda badan ku maqnaa dalka Turkiga lagu buuxiyay booskooda wasiir ku xigeenada.

Guddi loogu magac daray “Guddiga Ammaanka iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed” ayaa la sheegay in lagu ansixiyay shirkii maanta, waxaana dhismaha guddigan hore u diiday Golaha wasiirada. Warar xogogaal ah ayaa sheegaya in guddiga dhismihiisa uu ku hoos jiro qorshe mashruuc maalgelin heysta oo ay soo dhameysteen Ra’iisal wasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte iyo Wasiiro dhowr ah.

Golaha wasiirada ayaa muddooyinkan danbe ku howlahaa ansixinta sharciyo iyo hay’ado qaarkood la socon karin nidaamka dalka iyo dastuurka iyadoo looga faa’iideysanayo xaaladda kala guurka ah ee dalku galayo, waxaana ugu danabeeyay ansixintii URURKII ISKAASHATOOYINKA SOOMAALIYEED EE UDHIS oo ka haray kacaankii Maxamed Siyaad Barre, kaasoo maxkamadda sare ay sharci darro ka dhigtay toddobaadkan.

Baarlamaanka oo ah hay;adda dusha ka eegta ee la xisaabtanta Xukuumadda ayaa u muuqda mid meesha ka maqan oo aan ku baraarugsaneyn waxa ka socda Golaha wasiirada.


Hoos ka daawo heesta SOOMAALIYA WAA MASHRUUC ee wasiir Beyle

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON