Saacadihii ugu danbeeyay xaflada magacaabidda Golaha wasiirada cusub ee xukuumadda Cumar C/rashiid Cali ayaa waxaa dhacay isbedel degdeg ah oo saameyn ku yeeshay laba xubnood oo midkood liiska laga tiray mid kalena jago lagu qoray.
C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim (Baqdaadi) ayaa ku qornaa wasaaradda Arrimaha diinta iyo Awqaafta ilaa xilligii ku dhawaaqista laakiin waxaa la bedelay daqiiqado yar ka hor intii aanu Ra’iisal wasaaraha soo xaadirin xaruntii laga akhrinayay Xubnaha Golaha wasiirada, waxaana wasiirkani waqtigu ka hor yimid lagu bedelay Ducaale Aden Maxamed oo hore u ahaa Wasiirka Tacliinta Sare.
Xilalkii ayaa loo kala bedelay wasaaradii uu baqdaadi ku qornaa ee Arrimaha diinta iyo Awqaafta waxaa lagu qoray Axmadey Sheekh Muqtaar, halka Ducaale loo dhiibay Wasaarada Dhalinyarada iyo Isboortiga. Isbedelkan waxaa ka dambeeyay Xildhibaan C/Naasir Gaarane oo ay walaalo yihiin Ducaale kana mid ahaa xildhibaannada taageersan madaxweynaha ee ololaha weyn u galay in walaalkii uu wasiir noqdo isagoo ilaa xilli danbe ku cadaadiyay madaxweynaha inuu aqbalo rabitaankiisa oo u suuragalay.
Waxaa akhristayaasheena aan xusuusineynaa in liiskii ugu horeyntii aan ka helay xafiiska Ra’iisal wasaaraha ee aanu shaacinay uu ahaa liiskaas hore balse aanu dib ka saxnay, waxaana weli jira boqolaal mareeg oo Baqdaadi wasiir ahaan ugu qoran yahay.
Waxaa xusid mudan in Mudane Baqdaadi uu ahaa shaqsiga kaliya ee guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Cawad uu ku lahaa Golaha wasiirada cusub, kaasoo hadda daadku qaaday. Halka Ducaale kasoo jeeday wasiirada taageersan Ra’iisal wasaarihii hore ee C/weli Sheekh Axmed.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]