Wednesday, June 25, 2025

XOG CULUS: Madaxweynaha iyo taageerayaashiisa oo diyaariyay qorshe halis ku ah Guddoomiyaha Baarlamaanka

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo siyaasiyiin ay isbaheysi leeyihiin ayaa la sheegay inay isku afgarteen qorshe qarsoodi ah oo lagu khaarijinayo guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari).

Qorshan oo uu weligiisba ku taamayay Shariif Xasan oo ah madaxweynaha maamulka KMG ah ee Koonfur Galbeed ayaa markii ugu danbeysay ay u suuragashay inay madaxweynaha iyo Faarax Sheekh C/qaadir, waxayna wararku sheegayaan in qorshahaasi oo lagu heshiiyay  uu yahay mid quseeya hiigsiga cusub ee 2016-ka.jawaari-hassan11

 

Prof. Jawaari  ayaa aad uga carooday markii uu madaxweynaha uga baxay balan ahayd inuusan ku soo darin liiska Golaha wasiirada cusub laba nin oo aad ugu kacsanaa Jawaari, kuwaasoo kala ah: Khaalid Cumar Cali iyo Ibraahin Isaaq Yarow.

Labadan mas’uul oo si toos ah ugu xiran Shariif Xasan ayaa lagu soo celiyay Golaha cusub ee wasiirada iyadoo Prof. Jawaari la tusiyay liis kale oo aan ahayn midkii saxda ahaa, taasoo keenay inuu ka aamin baxo madaxweynaha iyo kooxdiisa. Waxaa sidoo kale mooshin xaalad abuur ahaa oo uu Muqdisho ka bilaabay Ibraahim Yarow kaasoo uu ku sheegay inay ka keeni doonaan Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Prof. Jawaari ayaa la filayaa inuu socdaal dhowaan ugu baxo dalalka deriska ah, waxaana suuragal ah inuusan Muqdisho ku soo laaban inta ka horeysa kalsooni u qaadista xukuumadda Cumar C/rashiid kadib.

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON