Siyaasiga Soomaalida Kenya Faarax Macalin oo siyaasi jagooyin kala duwan ka soo qabtay Kenya ayaa taageero dhaqaale helaya madaxweynaha Soomaaliya si uu ugu adeegsado ololihiisa doorashada.
Faarax Macalin ayaa magaalada Muqdisho yimid 13 March 2017 si ugu ololeeyo kooxda Asmara kuwaas oo doonaya in xubno ku yeeshaan Golaha Wasiiradda cusub ee dhawaan la dhisayo.
Kulamo uu la yeeshay Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre, kadib ayuu rajo fiican ka muujiyay in xubno ka mida kooxda Asmara xubno muhiim ah ku yeelan doonaan Golaha Wasiiradda cusub.
Sida la wada og yahay waxaa dhawaan Kenya ka bilaaban doono dooroshooyin taas oo uu Faarax Macalin qorsheynayo inuu noqdo xildhibaan kasoo gala Gaarisa Township, kursigaasoo uu hadda xildhibaan ka yahay Adan Bare Ducaale oo ah hogaamiyaha xisbiga talada dalka Kenya hayo Jubilee . Aadan sharci ahaan waa qofka sadexaad ee ugu sareeya dalka Kenya.
Xogta la helay ayaa sheegeysa in Faarax Macalin waxa uu kaalmo dhaqaale weydiistay Madaxweyne Farmaajo si uu doorashada ugu galo. Faarax ayaa aaminsan in guusha Madaxweyne Farmaajo ee doorashadii Soomaaliya uu qeyb weyn ku lahaa, isaguna mudan yahay lagu taageero guul uu ka keeno Doorashooyinka Kenya.
Dhaqdhaqaaqa Faarax Macalin iyo galaangalka uu ku yeeshay madaxda dowladda cusub ee Soomaaliya ayaa keeni kara inuu xumaado xiriirka dowladda Soomaaliya iyo xisbiga Uhuru Kenyatta ee haya talada dalka Kenya, iyada oo uu Farmaajo qorshaynayo inuu safar ku tago 22-ka bishan dalka Kenya.
Siyaasiga reer Kenya ee Faara Macalin ayaa dhowaan bartiisa twitter-ka ku qoray in ciidamada dalalka deriska ah laga saaro howgalka AMISOM ee Soomaliya laguna bedelo ciidamoa ka socda dalal kale.
Faarax ayaa salka dhigtay hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho, isagoo sugaya dhaqaalaha ay siinayaan madaxda Soomaalida. Haddii ay cadaato in Madaxwayne Farmaajo lacago ku bixiyo doorashada Kenya waxay keeni doontaa arrimaha soo socda:
1- Shacabka Soomaaliyeed abaartu heyso oo amaanadoodii lagu fashilmay, hantidii Qarankana si khaldan loo isticmaalay.
2- Faragelin iyo daandaansi siyaasadeed oo dawlada Soomaaliya ku sameysay dal kale, taasoo wax u dhimmi doonta xiriirka labada wadan ee markii horeba mugdiga ku jiray.
Goobjooge.com