Sunday, July 6, 2025

XOG CULUS: Magacyada Safiiro cusub oo dowladda Federaalka magacaabeyso

Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa soo jeediyay magacaabidda shan safiir oo Soomaaliya u fadhin doona dalal dhowr ah, sida lagu ansixiyay shirkii golaha wasiirada ee maanta oo gabagabo ku dhow, waxayna xubnaha safiirada loo magacaabay kala yihiin:

Amb_ Mohamed Ali America, the Somali ambassador to Kenya, and Fadumo Insaniya, an MP_JPG
Ambassador Mohamed Ali America, the Somali ambassador to Kenya, and Fadumo Abdullahi Insaniya, former MP

 

1. Danjire   Jamaal Xasan

2.                 Daahir Maxamuud Geelle

3.                 Jamaal Maxamed Barrow

4.                 Faaduma Abdullahi Insaaniya

5.                 Faaduma Makhzuumi

Danjire Jamaal Xasan ayaa wararku sheegayaan inuu madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabayo dalka Kenya laguna bedeli doono, danjiraha waqtiga dheer ku qaatay halkaasi ee Maxamed Cali America.

[ad name=”HTML-2″]

Sidoo kale Daahir Maxamuud Geelle ayaa lagu wadaa in la geeyo Boqortooyada Sacuudiga, isagoo hore u ahaa wasiirka warfaafinta dowladii Kumeelgaarka ahayd, wuxuuna hadda hayay xilka la-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha Carabta.

Jamaal Maxamed Barow oo ka mid noqday golihii wasiirada xukuumadda Saacid, ayaa la sheegay in loo magacaabayo safaaradda Soomaaliya Koonfur Afrika.

Faaduma Insaaniya ayaa iyada la qorsheeyay inay noqoto safiirka Soomaaliya ee Mareykanka oo ah xilkii uu baneeyay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid. Sidoo kale Faatumo Makhzuumi ayaa ka mida safiirka la magacaabayo waxayna safiir uga noqon doontaa Soomaaliya dalka Ciraaq.

Magacyada xubnaha loo magacaabayo safiirada ayay golaha wasiirada ansixiyeen shirkoodii maanta, iyadoo xilalka safaaradeed ee loo magacaabo laga sugayo madaxweynaha, waxaana xilalkani ay yihiin xog hoose oo Goobjooge.com ay ka heshay ilo ku dhow madaxtooyada.

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

[ad name=”HTML-5″]

[ad name=”HTML-4″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON