Tuesday, June 24, 2025

XOG culus oo ku saabsan xaalada ku wareegsan Geerida Dr. Cali Khaliif (24 September ilaa 8 October 2020)

Iyadoo warar kala duwan kasoo baxayaan Geerida Dr. Cali Khaliid Galeyr oo magaalada Jigjiga ku Geeriyooday 8 Oktoobar 2020, ayaa waxaa soo baxaya xaaladda uu ku sugnaa Marxuumka intii uu tegay is-maamulka Soomaalida Itoobiya.

Feysal Rooble oo ah Aqoonyahan xiriir la lahaa Dr. Cali Khaliif ayaa qoraalka soo socda ku faahfaahiyey jadwalka socdaalkii uu marxuumka ku joogay dalka Itoobiya, kulamadii uu yeeshay, xanuunkii ku soo booday iyo qaabkii loola tacaalay iyadoo ay ka muuqato arrimo aan caadi ahayn.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

1. Badhtamihii September, 2020 – Togwajale ayay Salaadiin reEr-Jigjiga ahi Dr. Cali ka soo qaadeen waxana la dajiyey Jigjijga International Hotel

2. September 24, 2020 – Qado sharaf ONLF u samaysay & Sawiro uu la galay Gudoomiyaha iyo Wasiirada Itoobiya Filsan.

3. September 29, 2020, October 2 – Faysal Cabdi Rooble oo Telephone ku la hadlay – waxaana isku xiray xubin ka mid ah ONLF – waxa uu ka dayrinayey madaxda Soomaaliland. Isla maalin ka hore waxa Hargaisa gaadhay wafdi uu hogaaminayo Dr. Xussen Xaashi.

4. October 2, Wareysi adag uu siiyey NABAD TV (waa TV ka madax banaan DDS).
October 3, Sabti, Faysal Cabdi Rooble oo telephone ku la hadlay Dr. Cali Khalif Galaydh isagoo aad u caafimaad qaba – Wax xanuun ah ma sheegin. Waxaan ku booriyey in uu MW Musafa arko.

5. October 4-7, xanuun la yidhii cunto sumow ayaa la inoo sheegay.
October 5, Waxa Hotleka Cali ku sillicsanaa yimid Dr. Xuseen Xaashi iyo Xasan Dhaadi oo ah chief of staff. Waxa loo sheegay in Dr. Cali taakulayn rabo. Labaduba wey ka gaabsadeen weliba si aan naxariisi ku jirin u hadleen – waa sida warka aan kaga heley dad gacanta ku hayey marxuumka.

6. October 6, nin Maraykanka ka yimid oo Madaxweyne Mustafa xidhiidh leeyihiin ayaa laga codsaday in uu Madaxweynaha u sheego in Dr. Cali il daran yahay, xanuunka uga sii darayo. Xataa dadkii ka keenay Wajaale wey ka gaabsadeen soo eegistiisa.

October 7, Madaxweynaha mar Alla markii loo sheegay amar bixiyey in daarada Qaryaan Dhoodaan meel looga diyaariyo Marxuunka

Ocober 7, isla markii amarkaasi baxay, Xasan Dhaadi ayaa u xaqiijiyey una sheegay muwaadinkii MW Mustafa xidhiidhka lahaayeen in Dr. Cali Khalif lagayn doono Qol ku yaal daarada Qaryaan Dhoodaan.

October 8, Waxa geeriyooday Dr. Cali Khaliif Galydh.October 8 isagoon weli qolkii hoteelka uu lahaa mudo afar beri ah iga saara ka bixin. Isla fiidnimadii ayuu Ambulansi geeyey Qaryaan Dhoodaan maydkii Dr. Cali,

Ocotber 8, fiidkii, nin la yidhii waa Dhaktar ka tirsan maamulka DDS ayaa ku andacooday in Covid-19 sababay dhimashada Dr. Cali.

October 9, 2020, Dhakhtarkii Cali daweynayey ayaa beeneeyey in Cali u dhintay Covid-19.
Silic, sun, iyo daryeel la’aan ayuu Dr. Cali u dhintay. In kabadan 40 sano iyo Dr. Cali maareeyn jiray sonkorta nin inta badan bukoon jirayna ma ahayn.

Alahu Yarxam.

W/Q: Feisal Roble

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON