Monday, October 26, 2020
More

    KASHIFAAD: Sidee Beesha Xawaadle ku heshay xilka Madaxweynaha Hirshabeelle Sanadkii 2016..?

    Qormadan waxaa markii ugu horeysay Goobjooge.net lagu daabacay 16 Oktoobar 2016

    Tan iyo markii uu soo bilowday qorshaha dhismaha  maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe waxaa hareeyay diidmo weyn oo ka imaaneysay Beesha Xawaadle oo si cad uga hor timid qorshihii madaxweyne Xasan Sheekh.

    Labada Beel ee ugu tunka weyn labada gobol oo kala ah Abgaal iyo Xawaadle ayaa isku afgaran waayay inay ceeriinka ku qeybsadaan jagooyinka ugu muhiimsan maamulka la dhisayo, waxayna Beesha Xawaadle markii horeba la soo shir tagtay doodda ah:

    1. In la siiyo xilka madaxweynaha
    2. Caasimadda la siiyo Jowhar
    Ad

    Labadan qodob waxaa iska dhega tiray madaxweyne Xasan Sheekh oo isku dayay inuu arrinta ka dhigo mid mugdi ku socota, waxaana xaaladda uga sii daray wakiiladii uu shirka u xil saartay oo kala ahaa:

    1. C/raxmaan Odowaa (Wasiirka Arrimaha Gudaha)
    2. & Mahad Maxamed Salaad (Wasiirka Madaxtooyada)

    Labadan mas’uul qaabkii ay ergooyinka u qeybiyeen iyo maamulkii hore ee shirka Jowhar ay la tageen waxay aad u sii fogeysay Beesha Hiiran ugu tunka weyn ee Xawaadle, waxayna keentay inay shirku galo xaalad jahawareer ah.

    labagobol

    Wareegtadii madaxweyne Xasan Sheekh ee caasimadda loogu magacaabay Buuloburte isla markaana xarunta shirka loogu doortay magaalada Jowhar waxay sii kordhisay shakigii beesha Xawaadle oo u arkeysay in loo degay qorshe looga takhalusayo.

    • Waa marka horee waxay u aragtay in caasimadda laga dhigay Buuloburte ay been abuur tahay oo caasimad KMG ah ay noqoneyso Jowhar, xaaladda degmada Buuloburte awgeed.
    • Xilka Madaxweynahana uu qaadanayo Abgaal, sidaasina ay labadii awood qeybsi ee ugu muhiimsanaa laga hoos bixinayo.

    Doodan maba qarin waxgaradka Beesha Xawaadle, laakiin wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh ku fashilmay inuu fahmo halka sartu ka quruntay iyo dhibaatada awood qeybsi, taasoo keentay in odayaasha Beesha ay soo nooleeyaan dood ah in Hiiraan ay tahay laba gobol.

    8 bilood kadib oo shirku hore u socon waayay, waxaa arrinta la wareegtay IGAD oo keentay qorshe ah in Beesha Xawaadle la siiyo xilka madaxweynaha iyadoo hoos ku wadatay musharax kasoo jeeda beeshaasi, arrintan ayaa rajo soo gelisay shirka lagu dhisay maamulka Hirshabeelle.

    saxiixayaasha

    Caasimadda maamulka cusub ayaa laga dhigay magaalada Jowhar, iyadoo la dardaray wareegtadii madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana beesha Abgaal loogu daray xilka madaxweyne ku xigeenka maamulka loogu magac daray Hirshabeelle.

    Awood qeybsiga cusub wuxuu bannaanka dhigay laba beelood oo ku dulman, kuwaasoo kala ah; Beesha Jareer oo xilkii ay fileysay ee Guddoomiyaha Baarlamanka Hirshabeelle ay qaadatay Beesha Gaaljecel. Beesha Gugundhabe ayaa iyaduna bannaanka ku soo dhacday markii caasimadii ay taageersaneyd ee Buuloburte meesha ka baxday.

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku dhawaaqay caasimadda & magaalada marti gelineysa Maamulka KMG ah ee Hiiraan & Sh/dhexe

    Inkastoo Ugaas Xasan uu ka cago jiiday inuu si rasmi ah u aqbalo shirkii Jowhar, waxaa la ogayahay inuu ilaa xad la dhacsan yahay xilka beesha u soo hoyday, waxaana kadib Xasan Sheekh olole u galay inuu xilka madaxweynaha Hiiraan u soo sharxay Cali C/llaahi Cosoble oo ah shaqsiga uu wato, sidaasina lagu afgembiyay musharaxii IGAD ee Cali Maxamed Carraale.

    Qormadan waxaa markii ugu horeysay Goobjooge.net lagu daabacay 16 Oktoobar 2016

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    148,683FansLike
    2,066FollowersFollow
    5,660FollowersFollow
    148,683FansLike
    2,066FollowersFollow
    5,660FollowersFollow

    TOP NEWS

    Maxkamadda Ciidamada oo xukunno ku riday Alshabaabkii ka baxsaday Xabsiga Dhexe iyo 9 Askari oo ka tirsan…

    Maxamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa Maanta xukunno kala duwan ku riday 11 Qof oo ku eedeysan weerarkii ka dhacay...

    Jid muddo Sanado ah u xirnaa Safaarado oo la bilaabay in Dhagxaanta iyo Shubka laga qaado

    Jid muhiim ah oo muddo sanado ah u xirnaa safaarado kala duwan ayaa waxaa hadda socda howl adag oo dhagxaanta looga qaadayo.

    Ra’iisal Wasaare Rooble oo magacii ka bedelay xilliga ‘Kala-guurka’ ee xukuumadiisu kusoo beegantay

    Ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa magaca ka bedeley waqtiga 'KALA GURKA' ah ee ay xukuumadiisa kusoo beegantay, iyadoo dalku doorasho gelayo mudaddii...

    Xukuumaddii ugu waqtiga yareyd ee Ra’iisal wasaare Rooble oo la ansixiyey iyo Wasiirada oo la dhaariyey

    Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta codka kalsoonida siyey Xukuumadda cusub ee Soomaaliya iyo Barnaamijkeeda. Golaha wasiirada...

    Ganaax lagu riday Haweeney ah Xeer ilaaliye ku-xigeen oo khilaaf ka dhaliyay Hay’adaha Garsoorka (Akhriso)

    Waxaa soo shaac baxay khilaaf u dhaxeeya Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo xafiiska Xeer ilaalinta Guud kadib markii ganaax lagu riday haweeney ah...

    Kulan magaalada Nairobi ku dhex maray Xasan Cali Kheyre iyo Sheekh Shariif iyo Arrimaha looga hadlay

    Wararka laga helayo magaalada Nairobi ayaa sheegaya in Ra'iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya uu magaalada Nairobi kula kulmay Madaxweynhii hore Shariif Sheekh...

    Weriye C/llaahi Kulmiye: “Nabadsugidda iyo ciidamada Ra’iisal wasaare Rooble ayaa isoo weerarray..”

    Weriye C/llaahi Kulmiye Caddow oo maanta laga sii daayey xabsiga Godka Jilacow oo uu muddo 5 maalin ku dhowaad ah ku jiray...

    WARARKA UGU SHIDAN

    error: Content is protected !!