Wednesday, June 25, 2025

XOG CULUS: Qaab cusub oo loo magacaabayo Golaha wasiirada xukuumada cusub

Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali ayaa la yimid qorshe cusub oo uu doonayo inuu ku soo dhiso Golaha wasiirada xukuumadda cusub kadib markii ay fashilantay xukuumadiisii hore oo uu dib ula noqday.

Raiisul-Wasaare-Dr.-Cumar-C.rashiid

Xogta ay heleyso Goobjooge.com ayaa daboolka ka qaaday qorshaha cusub ee lagu soo magacaabayo wasiirada, wasiir ku xigeenada iyo wasiiru dowlayaasha, waxaana salkeedu yahay beelaha iyo xildhibaanada golaha baarlamaanka ugu jira.

Wasiir kasta ee la magacaabayo waxaa laga doonayaa inuu ka yimaado 50+1 ama cod hal dheeri ah iyo ka badan xubnaha xildhibaanada ah ee ugu jira beesha wasiirka ka heshay golaha wasiirada. Wasiir ku xigeenada iyo wasiiru dowleyaasha ayaa iyagana laga rabaa inay sidoo kale la yimaadaan inta badan codadka xildhibaanada beelahooda.

Qorshahan oo laga yaabo inuu waqti dheer qaato ayaa durba saameyn ku yeeshay wasiirada qaarkood oo aan heysan taageerada xildhibaanada beeshooda; waxaana bilowday olole ay ku jiraan wasiiradii la magacaabay kuna doonayaan inay xilalkooda sii heystaan, iyadoo siyaabo kala duwan kusoo jiidanaya xildhibaanada beeshooda.

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON