Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa diiday inuu isbaheysi doorasho la galo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid Sharma’arke.
Kulan magaalada Baydhaba ku dhex maray Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cumar C/rashiid oo socdaal ku tegay Garoonka Baydhaba ayay labada nin uga hadleen qorshaha doorashada 2016 iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen ka hortegista Xasan Sheekh.
Cumar C/rashiid ayaa ka codsaday Shariif Xasan inuu isbaheysi la galo kuna taageero musharaxnimadiisa madaxweyne, laakiin waxaa arrintan ka hor yimid Shariif Xasan oo ku adkeystay in isbaheysi kasta oo doorasho uu saldhig u noqonayo inuu isagu madaxweyne noqdo, taasoo keentay inay waxba iska meel dhigi waayaan labada musharax.
Shariif Xasan ayaa hore uga diiday madaxweynaha xilka sii haya Xasan Sheekh Maxamuud Isbaheysi uu la galo, kuna taageero inuu dib ugu soo laabto xilka madaxweynaha, waxaana Shariifka oo heysta xildhibaano tiro badan uu noqday quwad weyn oo aan looga maarmin guusha doorashada 2016.
Goobjooge.com