Wednesday, June 25, 2025

XOG CULUS: Taliye cusub oo loo magacaabayo Hay’adda Nabadsugidda Qaranka (Waa kuma…?!!! akhri adigaa yaabi doonee)

Warar xog hoose ay oo Goobjooge.com heshay ayaa sheegaya in lagu dhawaaqi doono Taliye cusub oo ay yeelaneyso Hay’ada Nabadsugidda Qaranka iyadoo xilka laga qaadayo taliyaha hadda xilka haya ee C/raxmaan Tuuryare oo muddooyinkan la hadal hayay in xilka laga qaadayo. Waxaa kaloo lagu wadaa in taliyeyaal cusub loo magacaabo Booliska iyo Milateriga oo muddo la sugayay in isbedel lagu sameeyo.

[row][double_paragraph]Farah-wasir [/double_paragraph][double_paragraph] [ad name=”HTML-3″] [/double_paragraph] [/row]

Taliyaha cusub ee ciidamada Nabad sugidda Qaranka ayaa la sheegay in loo magacaabayo wasiirkii hore iyo saaxiibka madaxweynaha FAARAX SHEEKH C/QAADIR. Wasiir Faarax wuxuu maalmihii ugu danbeeyay ku sugnaa magaalada Qaahira ee dalka Masar, waxaana la filayaa inuu dib ugu soo laabto Muqdisho. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la xaqiijiyay inuu miiska u saaran yahay magacaabidda Faarax, balse ay dhibaato ka heysato magacaabidda taliyeyaasha Booliska iyo Milateriga oo beeluhu isku heystaan.

Akhri warka Goobjooge.com ka qortay arirntan bartamihii Febraayo.

 XOG CUSUB: Maxaa ka jira in Faarax Sheekh C/qaadir loo magacaabi doono Taliyaha Nabadsugidda Soomaaliyeed? 

jen.faarax

Madaxtooyada ayaa dadaal ugu jirtay bilooyinkii ugu danbeeyay sidii loo magacaabi lahaa Taliyeyaasha ciidamada, iyadoo taliyaha booliska aan weli la buuxin, isla markaana isbedello lagu sameyn lahaa taliyeyaasha kale ee ciidamada aysan weli dhicin, sidii la filayay markii la dhisay xukuumadda cusub ee Cumar C/rashiid.

Waxaan sugnaa waa in si rasmi ah loogu dhawaaqo magacaabiddan oo noqon doonta tii ugu yaabka badneyd ee uu ku dhaqaaqo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Tallaabadan waxay keeneysaa in labadii saaxiib ee ugu weynaa madaxweynaha midkood lagu meeleeyay hay’adda xilligan ugu awoodda badan ciidamada, halka midka kale loo saadaalinayo in loo dhiibo hogaanka dowlad goboleedka Gobollada Dhexe inkastoo caqabado badan hor yaallaan.

 

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

[ad name=”HTML-5″]

[ad name=”HTML-4″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON