Friday, July 11, 2025

XOG CULUS: UN Monitoring Group oo Fadeexad Lacageed ku helay Cumar C/rashiid [Waanwaan ka socota Nairobi]

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa guddi ka tirsan Q/Midoobay ku heleen lacag uu lunsaday oo halis gelin karta mustaqbalkiisa siyaasadeed.

Xog  qarsoodi ah oo ay heshay Goobjooge.com ayaa sheegeysa in Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ay xaalad adag kasoo wajahday warbixin ay ururiyeen Guddiga Cunaqabateynta Hubka ee Soomaaliya oo raacsan Qaramada Midoobay (Monitoring Group on Somalia and Eritrea SEMG), taasoo ku saabsan lacago uu si sharci darro ah ku qaatay Ra’iisal wasaaraha.

Xubno ka tirsan Guddiga oo dhowr goor Muqdisho kula kulmay madaxda Bankiga Dhexe ee Soomaaliya iyo Wasaaradda Maaliyadda ayaa gacanta ku dhigay Dokumentiyo muujinaya in Ra’iisal Wasaaraha uu qaatay ama amarkiisa lagu bixiyay lacago malaayiin doolar ah oo qaarkood loogu talogalay maamul goboleedyada dalka, kuwaasoo aan la ogeyn halkii ay ka baxeen, lana waayay xisaab celin cad.

Omar-UN

Lacagahan ayaa intooda badan qoonde taageero ah oo maamulada dalka laga siiayay canshuuraha kasoo xarooda Dekadda Muqdisho, waxaana lacagaha ku maqan Ra’iisal wasaaraha oo maamulka Gobolka Banaadir kaliya uu ka qaatay lagu qiyaasay 4 Milyan oo Doolar, waxaa kaloo jira lacago loo qoondeeyay maamulada Jubba, Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo Ra’iisal wasaaraha la baxay.

Cumar C/rashiid ayaa ka war helay in Guddiga Q/Midoobay ay dhowaan soo saari doonaan warbixin ku saabsan musuqmaasuqa ka dhex jira dowladda Soomaaliya iyagoo ku soo beegaya ka hor doorashada madaxweynaha dalka ee qorsheysan 30-ka Oktoobar, waxaana ku jira caddeymo culus oo ku saabsan lacagta ku maqan Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid.

Cumar C/rashiid oo ka mida musharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa Nairobi  degdeg u tegay, waxaana xogta Goobjooge.com heshay ay sheegeysaa inuu waanwaan kula jiro xubnaha Guddiga Q/Midoobay ee cunaqabateynta hubka Soomaaliya si uu uga hortago in warbixinta cusub lagu soo daro xogta laga hayo.

Guddiga Q/Midoobay oo loo yaqaan Monitoring Group ayaa ah Guddi muran badan ka taagan yahay shaqadooda oo si weyn u fahmay xaaladda Soomaaliya, waxayna muddooyinkii danbe gorgortan la galayeen madaxda ay xogta wax is daba maris ka helaan, iyagoo ka qaadanaya laaluush si ciddii rabta looga saaro warbixinadooda, waana taas sababta Ra’iisal wasaaraha Dalka Soomaaliya u tegay Nairobi.

Arrimahan oo dhan waxay caddeyn u yihiin in Soomaaliya ay noqotay “Mashruuc” la wada boobayo oo xitaa Guddiyadii caalamiga ahaa ay noqdeen “Col ku dhac oo tuugo kuu ciidamisay”.

UGAARA GOOBJOOGE.COM


AKHRI: QORMADII GOOBJOOGE KA DIYAARIYAY LACAG UU LAHAA GOBOLKA BANAADIR OO XUKUUMADDA SOOMAALIYA LA BAXDAY

http://goobjooge.com/fadeexad-wasaaradda-maaliyadda-oo-lacagtii-maamulka-gobolka-banadir-kala-baxday-bankiga-dhexe/

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON