Friday, June 27, 2025

XOG CULUS: Wasiir Bayle oo u anbabaxay shirka Midowga Afrika ee Addis kadib markii Warqad lagu magacaabay keligiis

Sii-hayaha Wasiirka Arrimaha dibadda, ahna wasiirka cusub ee arrimaha dibadda xukuumadda aan weli la shaacin C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa maanta u anbabaxay shirka wasiirada arrimaha dibada Midowga Afrika ee magaalada Adis ababa oo hordhac u ah shir madaxeedka Midowga Afrika ee sanadlaha ah oo 28-ka bishan ka dhici doona xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa.

bayleadis

Wasiir Bayle ayaa warar xog-ogaal ah oo ay Goobjooge.com heshay sheegayaan in keligiis uu qoraal ku magacaabay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid Sabtidii 24-ka Bisha Janaayo, iyadoo sidaasi loo yeelay markii madaxweynaha dalbaday si uu u saxiixo heshiisyada dowladda Turkiga lala galayo, waxaana dib loogu magacaabay jagada wasiirka arrimaha dibadda oo xukuumadii hore uu ka hayay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa beesha caalamka cadaadis weyn ku saartay inuu dedejiyo magacaabidda xukuumadda cusub, laakiin tallaabada ah in hal wasiir si gaara loo magacaabo arrimo jira darteed waa arrin ku cusub hab dhaqanka dowladeed iyo dhismaha xukuumadda Soomaaliya.

Waxaa sharci ah inuu wasiirku shirarka iyo howl maalmeedyada wasaaradiisa sii wado inta laga dhisayo xukuumad cusub, laakiin magaca sii-haye ayaa xadidan oo aanu geli karin heshiisyo isla markaana qaadan karin go’aano saameyn leh.

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON