Monday, June 23, 2025

XOG: Cumar C/rashiid oo joojiyey Qorshe uu dib ugu soo laaban lahaa Muqdisho, una wareegay…

Ra’iisal wasaarihii hore ee xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa ka baaqsaday socdaal uu dib ugu laaban lahaa magaalada Muqdisho.

Xogta laga helay xubno ku dhow Cumar C/rashiid ayaa sheegay in uu qorsheynayay imaanshaha magaalada Muqdisho oo uu muddo dheer ka maqnaa, isla markaana aanu soo xaadirin fadhiyada Aqalka Sare ee uu ka mid yahay, balse xiisada ka dhalatay weerarkii lagu qaaday siyaasiga ay saaxiibka yihiin ee C/raxmaan C/shakuur uu dhaliyay cabsi ku saabsan ammaankiisa.

Cumar C/rashiid ayaa madax u ah kooxda wada mooshinka xilka ka qaadista madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana soo baxay warar ku saabsan inuu ka mid yahay xubno uu xeer ilaaliyaha doonayo inuu dacwad ku soo oogo.

Ad

Wararka qaar ayaa sheegaya inuu Cumar C/rashiid tegayo magaalada Garowe, halkii uu imaan lahaa Muqdisho xaalada kacsan ee siyaasadeed darteed, waxaana lagu tilmaamaa siyaasiga ugu dhow Imaaraadka Carabta.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON