Wednesday, June 25, 2025

XOG: Cumar C/rashiid oo bilaabay olole uu xilal cusub ugu magacaabayo Qaraabadiisa

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa wada magacaabidda xilal muhiim ah xilligan kala guurka ah ee waqtiga dowladda Fedeaalka Soomaaliya uu sii dhamaanayo.

Cumar C/rashiid oo horeba ugu howlahaa xilal fara badan inuu magacaabo ayaa dadaalkiisa sii kordhiyay maalmihii ugu danbeeyay wuxuuna xilal muhiim ah u magacaabay xubno ay isku beel yihiin si waqtiga kala guurka ah looga faa’iideysto.

Xilalka uu Ra’iisal wasaaraha magacaabay waxaa ka mida Wasiiru dowle ka tirsan xafiiskiisa iyo xoghaye joogto ah oo markii ugu horeysay uu u magacaaabay Wasaaradda Maaliyadda.

Arrimahan ayaa shaki badan ka dhaliyay golaha wasiirada oo dhowaan lagusoo biiriyay wasiiru dowle cusub markii guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Xasan Muungaab loo magacaabay wasiiru dowlaha Cadaaladda.

Xilalka uu magacaabay Cumar  C/rashiid ayaa waxaa dhowaan idin soo bandhigi doonta mareegtada Goobjooge.com.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON