Monday, July 14, 2025

XOG CUSUB: Dilkii Jamal Kashoqgi oo lugaha la galay Dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohamed Bin Salman [Sawirro]

Waxaa isa soo taraya faahfaahinta kiiska Saxafiga Sacuudiyaanka ah ee Jamal Kashoqgi oo la sheegay in lagu dhex dilay Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul 2-dii bishan Oktoabar.

Ilo dowladda Turkiga ka tirsan ayaa sheegaya in mas’uulka isku xiray howsha dilka saxafiga Jamal Kashoqgi uu yahay  gacan-yare u dhow Dhaxal-sugaha Sacuudiga ninka lagu magacabo Maahir C/casiis Mudrib, kaasoo xeer ilaalinta Turkiga ay sheegtay inuu maalintaasi sameeyay 19 Call oo 4 ka mida uu ku wacay xafiiska Dhaxal-sugaha Sacuudiga.

Ninkan xiriiriyaha ka ahaa dilka saxafiga ayaa noqday ninka ugu horeeya ee xeer ilaalinta Turkiga ay shaaciso iyadoo hore saxaafadda Mareykanka ay shaacisay in Dhaxal-sugaha Sacuudiga amarkiisa lagu fuliyey dilka Jamal Kashoqgi.

Ninkan ayaa hore u ahaa diblomaasi, haddana ah mid ka mida gacan-yareyaasha Dhaxal-sugaha Sacuudiga ayaa u raacay safarradii uu ku tegay dalalka reer Yurub iyo Mareykanka, waxaana la filayaa in Turkigu soo saaro amar ninkaas lagu soo qabanayo si cadaaladda loo horgeeyo.

Ninka labaad ee saxaafadda ku jir ayaa ah dhaqtarka Dr.Salaax Al-Dubayqi oo hay’adaha amniga ee Sacuudiiga u qaabilsan arrimaha baarista caafimaadka iyo dembi baarista jirka dadka uu yahay qofka jarjaray ee sida xun u dilay saxafiga Jamal Khashoqgi.

Kiiska dilka saxafiga ayaa lugaha la galay dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan, waxaana sii xoogeysanaya ogaanshaha 7 ka mida koox ka kooban 15 qof oo Istanbuul u tegay dilka Saxafiga.

HOOS KA DAAWO MUUQAALLADA XIRIIRIYAHA DILKII JAMAL KASHOQGI EE MAAHIR C/CASIIS 

Maher Abdulaziz Mutreb, reportedly now being sought by Turkish authorities for questioning over Khashoggi's disappearance, can be seen in the background as Crown Prince Mohammed bin Salman visits a Habitat for Humanity in Houston, Texas in April

Close to the crown: Mutreb is seen disembarking after Crown Prince Mohammed bin Salman in Madrid, Spain, also in April this year

Mohammad al-Otaibi, the Saudi Consul in Istanbul, left Turkey on a commercial flight on Tuesday just hours before Turkish investigators entered his residenceSecurity officers are seen in front of the residence of Consul General of Saudi Arabia Mohammad al-Otaibi in Istanbul on Tuesday

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON