Friday, June 27, 2025

XOG CUSUB: Labadii Isbaheysi ee xildhibaanada oo goob qura shir uga socdo iyo Golaha wasiirada oo lagu dhawaaqayo

Labada Isbaheysiyada xildhibaanada Baarlamaanka leeyihiin oo ka horjeeda siyaasadda kooxda madaxweynaha ayaa markii ugu horeysay shirar degdeg ah ka wada magaalada Muqdisho kadib markii ay soo dhowaatay magacaabidda Golaha wasiirada cusub oo lagu wado in saacadaha soo socda la shaaciyo.

Isbaheysiga la baxay “Badbaado Qaran” ee uu hogaamiyo xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow ayaa fadhigoodu ahaa hotelka Hayat ayaa waxaa ku soo biiray Isbaheysigii kale ee “Toosinta Talada Qaran” oo ay ugu cadcad yihiin C/laahi Goodax Barre, Fowsiyo Haji Yusuf iyo C/raxmaan Xoosh. Shirarka labada isbaheysi ayaa ka kala socda iminka laba hool oo isku dhegan waxayna ka arrinsanayaan waxa ay ka yeelayaan xukuumadda qarka u saaran in mar kale lagu dhawaaqo.

kutlo

Wararka laga helayo xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegaya in xalay oo dhan ay mar kale liiska iska eegeen wax ka bedelka ku sameeyeen madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha, iyadoo madaxweynuhu saluugay qaar ka mida xubno lagu soo daray golaha oo ay isla diyaariyeen Faarax Sheekh C/qadiri yo  Cumar C/rashiid.

Qorshaha cusub ee dhismaha xukuumadda ayaa ah in wasiiradii hore loo magacaabay qaarkood la tuuro, laguna bedelo wasiiro laga qaadanayo isbaheysiyadan xildhibaanadan kuwa ugu cadcad si loo kala jebiyo.

 

kutlos
Isbaheysiga Badbaado Qaran ayaa isku dhex yaacsan kadib markii dhowr ka mida xildhibaanadiisa la sheegay in wasiiro lagu qoray iyadoo horeba 4 wasiir ugu lahaa xukuumadii dib loola noqday. Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in C/raxmaan Xoosh iyo xildhibaan kale laga qaadanayo isbaheysiya Toosinta Talada  Qaran, taasoo keeni doonta in isbaheysigaasi isna qaarkood ka baxaan.

Waxaa lagu jiraa waqtigii ugu danbeeyay ee kala bedelka iyo sixitaanka waana xilliga wax waliba is bedelaan oo la qaato go’aanada ugu danbeeya, waxaana la filayaa inay sii  socdaan shirarka isbaheysiyada iyo shirarka madaxweynah iyo Ra’iisal wasaaraha, iyadoo madaxweynuhu shirka madaxda midowga Afrika ee Addis ka dhici doona laga sugayo inuu tago isagoo xukuumad u dhisan tahay.

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON