Monday, June 23, 2025

XOG CUSUB: Madaxweynaha & Ra’iisal wasaraha oo isku mari la’ qaar ka mida shaqsiyaadkii ka mid noqon lahaa Golaha wasiirada cusub

Magacaabidda Golaha wasiirada cusub ee Xukuumada uu guddoomin doono Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa dib u sii dhaceysa iyadoo madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ay isku maandhaafsan yihiin shaqsiyaadka ka mid noqonaya xukuumada cusub.

Shaqsiyaadka ugu waaweyn ee Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid diiday inuu ku soo daro Golaha wasiirada cusub ee madaxweynaha doonaya inay ka mid noqdaan waxaa ka mida:

1. Xuseen Cabdi Xalane

Ad

2. Fowsiyo Haji Aden

3. C/llaahi Goodax Barre

4. Cabdi Xoosh Jibriil

- Advertisement -

Arrintan waxay keentay in madaxweyne Xasan Sheekh uu meesha ka saaro C/kariin Guuleed, laakiin wuxuu si weyn ugu dhegan yahay in labada xubnood ee kale lagu daro Golaha Wasiirada, taasoo Cumar C/rashiid diidan yahay. Muranka ugu weyni wuxuu ka taagan yahay Xuseen Cabdi Xalane oo balanqaadyo badan looga baxay, haddana ay mar kale halis ku jirto rajadiisa ka mid noqoshada xukuumada cusub.

XAFLADII XIL WAREEJINTA RA'IISAL WASAARAHA
QAAR KAMIDA GOLIHII WASIIRADII HORE

Faarax C/qaadir oo lafdhabar u ahaa khilaafkii golayaashii wasiirada hore ayaa iska qariyay muranka socda, waxaana beesha Shanaad xubnahooda lagu wadaa inuu ka soo dhex muuqda xilliyada ugu danbeeya. Khadiija Maxamed Diiriye ayaa la filayaa inay dib u hesho jago wasiirnimo.

Dhinaca kale wuxuu madaxweynaha ku guuleystay in qaar kamida xubno uu taageersan yahay, kana mid ahaa golihii hore ee wasiirada ay ka mid noqdaan xukuumadda cusub waxaana ka mida:

1. Mahad Maxamed Salaad  (oo Wasiir u sharxan)

- Advertisement -

2. C/llaahi Maxamed Nuur (Oo xilkiisii wasiiru dowlaha maaaliyada dib ugu sharxan)

Xubin kasta oo golaha cusub ee wasiirada ka mid noqoneysa wuxuu Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid shardi uga dhigay inay taageero ka heysato xildhibaanada Beesha ay ka soo jeedo, taasina waxay sii ragaadisay magacaabidda Golaha wasiirada iyadoo la ogyahay in inta badan xildhibaannada isku beesha ah ay ku tartamayaan  jagada beeshooda ka soo  gaartay xukuumadda.

Goobjooge.com

Muqdisho

 

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON