Kadib markii la ansixiyay xukuumadda Soomaaliya lagana faraxashay khilaafkii siyaasadeed ee ragaadiyay dowladda muddo shan bilood aha ayaa la filayaa in isbedel lagu sameeyo hay’adaha ammaanka iyo ciidamada oo qaarkood sii-haye ahaan xilkooda loo hayo.
Wararka laga helayo madaxtooyada oo Goobjooge.com soo gaaray ayaa ku waramaya in meelaha magacaabidda cusub ay saameyn doonto ay ka mid yihiin:
1. Taliska Booliska oo taliye xigeenkiisa uu weli sii hayo xilka tan iyo intii uu geeriyooday Taliyihii hore ee Booliska Gen. Maxamed Xasan Ismaaciil.
2. Taliska Nabadsugidda oo mas’uulka hadda hayaa la filayo in laga wareejiyo
3. Iyo Taliska Ciidamada Qalabka sida oo dhaliilo badan ku xeeran yihiin.
Wararka qaar ee aan si buuxda loo xaqiijin ayaa sheegaya in Taliyaha Nabadsugidda loo magacaabi doono Faarax Sheekh C/qaadir oo hore u ahaa wasiirka cadaaladda, ahna mid kamida siyaasiyiinta ugu dhow madaxweynaha. Lama oga inuu siyaasigani aqoonyahanka ah jagadaasi dan ka leeyahay iyo in kale laakiin waxaa isa soo taraya in Taliye C/raxmaan Tuuryare muddooyinkii danbe xaalkiisu fiicneyn oo uu xaqiiqsaday in xilka uu weyn doono.
[ad name=”HTML-2″]
Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu jagada taliska nabadsugidda u door bidi lahaa C/llaahi Maxamed Sanbaloolshe, waxaase la is barbar wadaa isaga iyo Faarax Sheekh C/qaadir, inkastoo rajada Sanbaloolshe ay saameyn ku yeelatay khilaafkii keenay inuu xilka waayo.
Taliyaha Booliska ayaan weli la iska meel dhigin cidda loo magacaabi doono, laakiin madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegay inuu raadiyo qof uu ku kalsoon yahay, halka taliyaha ciidanka Qalabka sida saddex musharax loo saadaalinayo. Madaxweynaha ayaan looga baran inuu ku degdego go’aan qaadashada ayaa ciriiri kala kulmaya waqtiga u harsan dowladiisa.
Goobjooge.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-5″]