Xog iyo Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay nin shalay ay maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada milateriga ee Soomaaliya ku xukuntay Dil toogasho ah oo madax u ahaa howlgallada Alshabaab ka fuliso G/Banaadir.
Ninkan oo lagu magacaabo Maxamed Xaaji Axmed (Ilkacase) ayaa ka mid ahaa xubno ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada amniga, isagoo abaabulay qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo lagu dilay dad ku dhow 180 qof, waxaana hadda la ogaaday inuu macalin ka ahaa Jaamacado iyo Iskuulo ku yaalla magaalada Muqddsho, isagoo weliba dhigi jiray luuqadda Ingiriiska.
Jaamacadii ugu danbeysay wuxuu ka tegay bishii Maarso ee 2019-ka, iyadoo ay la yaab lahayd inaysan cidna wax war ah u heynin howsha weyn ee uu ku dhex jiray. Xubno ka tirsan iAlshabaab oo uu madax u ahaa isla markaana qaarkood la toogtay ayaa sheegay inay Ilkacase uu madax u ahaa, balse aysan aqoon u lahayn wax calaamad ahna aysan ka muuqan, isagoo howlahooda oo dhan hagi jiray.
Sida hore loo sheegay Maxamed Xaaji Axmed ayaa waxaa dhalay sarkaal ka tirsan booliska, wuxuuna dilay adeerkii oo isna ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Booliska Soomaaliya, iyo saddex jeneral oo kala ah: Jeneraal Ismaaciil Axmed Cusmaan iyo Jeneraal Maxamuud Xaaji Calow oo ka tirsanaa booliiska; waxaa kaloo lagu helay inuu dilay Jeneraal Cabdullaahi Maxamed Sheekh Quruurux oo ka tirsanaa milatariga. Sidoo kale waxay maxkamaddu ku heshay inuu dilay laba-alifle ka tirsanaa ciidamada booliiska oo lagu magacaabay Maxamed Cumar Sheekh Cusmaan.
Sidoo kale waxaa lagu helay dilka ku xigeenkii xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Maxamed Cabdiraxman Maxamuud. Maxamed ayaa sidoo kale lagu eedeeyey inuu ku lug lahaa weerarkii ka dhacay agagaarka tiyaatarka 22-kii December sannadkii 2018-ka oo ay ku dhinteen toban qof oo uu ku jiro weriye Cawil Daahir Salaad.
Ugu danbeyn Maxamed Xaaji Axmed Ilka-case waxay shalay Maxkamadda Ciidamada ku xukuntay Dil toogasho ah, waxaana si weyn looga naxay heerka ay gaarsiisan tahay dilaanimadiisa.