Faahfaahin dheeraad ahaa ayaa laga helay dilkii shalay ka dhacay magaalada Essex ee Uk, kadib markii nin Soomaali ah uu Tootey ku weeraray xildhibaan ka tirsan dalka Ingiriiska oo lagu magacaabo David Amess, kaaso u dhintay dhaawaca gaaray.
Saxaafadda Ingiriiska ayaa kasoo xigataty in falkaasi uu ahaa mid argagixiso oo lala xiriirinayo kooxaha Muslimiinta, waxaana socda baaritaanla arrintan oo keenay in Booliska ay baaritaan ka fuliyaan laba Guri oo ku yaalla London oo ninkan uu xiriir la lahaa.
Baaritaanka ilaa hadda waxaa lagu ogaaday inuu ninkan aan weli magaciisa la shaacin uu ahaa Soomaali, waxayna qoyskiisu tageen Ingiriiska Sagaameeyadii, isagoo ku noolaa xaafadda Sir David ee Southend West.
Caddaymaha ilaa hadda la helay wax muujiyenee inuu ninkan weerarka kelgisiis qaaday, balse ay dhici karto inuu la hacsanaa ama ku xirnaa Daacish.
Waxay Boolisku baarayaan Laptop-ka uu lahaa ninkan iyo taleefankiisa, waxayna su’aalo weydiinayaan saaxiibbadiis si loo helo wax xiriir ah inuu la smeeyay kooxaha xagjirnimada.
Waxaa arrinta baaritanka iska kaashanaya Qeybta Taliska La-dagaalanka Argaggixisada ee iyo saraakiisha Qeybta Hawlgallada Khaaska ah ee Gobolka Bari (ERSOU) iyo Booliska Essex.
Qaar ka mida dadkii falka joobjooga la ahaa ayaa laga soo xigtay inuu ninka Soomaaliya ee 25 sano jirka ah uu 10 jeer Mindi ku dhuftay xildhibaanka, isagoo ku sugay goob uu dadka soo doorto ku qaabilayey. Dadka qaarkii ayaa sheegay in 17 jeer uu Tooreyda geliyey xildhibaanka.
Ninkan ayaa la sheegay inuu dhoolacadeeyay intii aanu weerarka bilaabin, markii uu falka geystayna aanu isku dayin inuu baxsado ee uu Booliska goobta ku sugay, mana jirin cid kale oo uu weerar ku qaaday.
