Friday, July 4, 2025

XOG CUSUB: Qasaaraha ciidamada Kenya ee weerarkii Ceelcade oo gaaray heer laga naxo (in ka badan 200 askari)

Wararka laga helayo saraakiisha dalka Kenya ayaa sheegaya in qasaaraha ciidamada Kenya kasoo gaaray weerarkii ay Alshabaab ku qaadeen xerada Ceelcade ee Gobolka Gedo uu gaari karo in ka abdan 200 askari, waxaana laga soo xigtay ilo xog ogaal ah in askarta xerada ku jirtay ay gaareysay 250 askari.

Sida ay qortay jariirada The Star ee dalka Kenya ciidamada xerada ku jiray xiligii weerarku dhacay ayaa noqday wax la dilay, dhaawac iyo kuwo xerada ka firxaday oo duurka galay, waxaana ilaa hadda dowladda Kenya aysan soo bandhigin qasaaraha dhabta ah ee ciidankeeda.

Waxaa la og yahay  in ilaa 30 askari meydkooda la geeyay Nairobi  tiro kale oo 20 ahna dhaawac iyo iyagoo bedqaba loo duuliyay dalkaasi, waxaa kaloo jira ciidamo ay badbaadiyeen dadka degaanka Ceelcade u dhow oo galay xuduudka Kenya.

Marka la eego sawirada ay ay Alshabab shaaciyay kadib dagaalkasi, qasaaraha goobta ka dhacay kama yara 100-120 askari oo Kenya laga dilay, waxaa intaas sii raaca in 12 askari oo uu ku jiro taliyihii xerada nolol lagu qabtay oo ay hayaan Alshabab.

Arrimahan oo dhan marka la isku daro waxaa muuqata in Kenya uu soo gaartay qasaare aad u baaxad weyn oo aan hore loo arkin, dalkaasna gelin doono xaalad siyaasadeed oo adag iyo su’aalo ka yimaada joogitaanka ciidamada Kenya ee Soomaaliya kadib marka baroorta iyo tacsidu timaado, gaar ahaan Kenya oo nidaam dimoqraadi ah ku dhaqanka waxay dalalka Itoobiya iyo Uganda uga duwan tahay inaanay shacabka iyo xisbiyada mucaaradka dalkaasi ka aamusi doonin waxa ka dhacay Soomaaliya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON