Xog cusub oo laga helay dagaalkii Halgan ayaa sheegaysa in ciidamada Itoobiya dagaalkaasi looga dilay 33 askari oo meydoodka laga dhoofiyay garoonka magaalada Beledweyne, waxaana dhaawaca askarta Itoobiya ee xerada Halgan lagu sheegay inay gaartay in ka badan 60 askari oo loo daadgureeyay dalkooda.
Ilo madax bannnaa oo ku sugan garoonka Beledweyne ayaa saxaafadda u sheegay in Itoobiyaanka ay si weyn u qariyeen qasaaraha kasoo gaaray dagaalkii ay Alshabaab ku soo qaadeen saldhigooda degaanka Halgan oo ku bilowday is-miidaamin iyo 16 dagaalame oo oo fuliyay weeraro iqtixaam ah.
Dowladda Itoobiya ayaa dafirtay in ciidamadeed wax qasaare ah ka soo gaaray dagaalkii Halgan, halka dowladda Soomaalya ay sheegtay in 10 askari looga dilay Itoobiyaanka.
Dhinaca kale dadka rayidka ah ee ku dhintay dagaalkii halgan ayaa tiradoodu gaartay 9 qof iyo dhaawac 26 kale waxaana ku jira carruur, kuwaasoo la dhigay isbitaalka magaalada Beledweyne.
Goobjooge.com