Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa mar kale si cagajiid ah ku imaanaya magaalada Muqdisho isagoo ka qeyb galaya shirka madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulada dalka ka jira, kadib shirkii ugu danbeeyay ee Muqdisho oo mowqifkiisa shirkaasi mugdi badan hareeyay.
C/weli Gaas ayaa la sheegay inuu dalbaday in shirka dib loogu dhigo ilaa aakhirka bishan, isagoo ka cudurdaartay in xilligan aanu tegi karin magaalada Muqdisho, laakiin sidii caadada ahayd waxaa culeys saaray xafiiska Qaramada Midoobay iyo wakiilada Beesha caalamka oo adkeeyay inuu shirka Muqdisho ka qeybgalo, taasoo uu aqbalay.
Xaaladda ku xeeran madaxweyne C/weli Gaas ayaa ah mid cakiran isagoo dhinac uu ka heysto culeyska maamulkiisa iyo culeyska beesha caalamka oo aanu awoodin inuu ku gacan seyro, waxayna xaaladu ku socotaa mid ka baxsan rabitaankiisa.
Goobjooge.com