XOG: Dagaal afka ah oo dhex maray Taliyaha ciidamada Badda Somaliya & Safiirka Imaaraadka Carabta
Safiirka dalka Imaaraadka Carabta u fadhiya dalka Soomaaliya Maxamed Alcusmani oo ka mida safiirada ugu awoodda badan ee ka howlgala dalka Soomaaliya, ayaa ku dhaqaaqay tallaabo kale oo iska hor imaad ka dhex abuurtay isaga iyo mas’uul ka tirsan saraakiisha sare ee ciidamada dowladda.
Safiirkan oo adeegsada awoodo ka baxsan kuw diblomaasiyadeed ee uu leeyahay ayaa iskiis u fuliya mashaariic iyo qorsheyaal aanu cidna kala tashan isagoo si toos ah u hoos taga madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kiiskii ugu danbeeyay wuxuu noqday inuu amar ku siiyay ciidamada Badda ee Soomaaliya inay isaga guuraan xaruntooda ugu weyn ee magaalada Muqdisho oo dhinaca ku heysta dekaddii hore ee magaalada Muqdisho.
Safiirka UAE ee Soomaaliya Maxamed Alcusmaani oo dadka qaarkood ugu yeeraan safiir hogaamiye kooxeed ah ayaa muran adag dhex maray isaga iyo taliyaha ciidamada Badda Soomaaliya Madey Nuurow Sheekh Ufurow, kadib markii Safiirka ku amray inuu ciidamada Badda ka raro xaruntooda oo ku dhow dhulka Imaaraadka Carabta ay ka dhisaneyso safaarad.
Taliye Ufurow ayaa amarka safiirka ku gacan seyray isagoo u sheegay in uu ku ekaado xilkiisa, laakiin safiir Cusmaani ayaa u si kulul ula hadlay taliyaha taasoo keentay in arrintoodu gaarto xanaaq iyo haddallo kulul oo ay is weydaarsadeen, waxaana arrintan lala sugayaa madaxweyne Xasan Sheekh si uu xal ugu raadiyo.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]