Tuesday, June 24, 2025

XOG: Dhismaha Golaha Wasiirada Hirshabeelle oo lagu xiray Dowladda cusub ee Soomaaliya

Golaha Wasiirada maamulka Hirshabeelle ayaa markii labad dib  loo dhigay, kadib markii uu markii labaad dalbaday muddo dheeraad ah madaxweynaha maamulkaasi.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa Muqdish isugu yeeray toddobaadkii hore madaxda Baarlamaanka Maamulkiisa isagoo ka dhaadhiciyay inaan la dhisi karin Gole wasiiro inta laga dhisayo dowladda cusub ee Soomaaliya, sidaas darteedna muddo 2 bilood ah la siiyo, taasoo la isku waafaqay.

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle oo maanta shir ku yeeshay Magaalada Jowhar ayaa  ogolaaday in muddo labo bilood loogu daray Madaxweyne Cali C/llaahi Cosoble  si uu u soo dhiso Golihiisa Wasiirada.

Waa markii labaad oo muddo kordhin loo sameeyo madaxweynaha Hirshabeelle, waxaana la filayaa inay waqti kale qaadato maadaama dhismaha golaha wasirada Hirshabeelle uu ku xiran yahay Doorashada Soomaaliya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON