Dowladda Emirate-ka ayaa xoojineysa cadaadiska saaran madaxweynaha Somali Maxamed C/laahi Farmaajo iyadoo illo wareedyo rasmi ah ay sheegayaan inay Imaaraadka wado abaabul ka dhan ah hoggaanka dowladda Soomaaliya.
Dowladda Imaaraadka oo adeegsaneyso Xildhibaanno hore xiriir ula lahaa oo ka tirsan kooxda la baxday Horeusocod, Damul Jadiid iyo kooxdda Daljir ayaa wararku sheegayaan in loo qoondeeyay lacag dhan saddex milyan oo dollar, iyadoo laga faa’ideysanayo go’aankii ay dowladda ku dhiibtay sarkaalkii ONLF ee Qalbi Dhagax.
Kharshka ayaa loo adeegsanayaa abaabulka xildhibaanadda si loo diyaariyo mooshino la geeyo labada aqal, iyo abaabulka siyaasiyiin iyo dadweyne. Sidoo kale dowladda Imaaraadka ayaa taageero hore u siisay madaxda maamul goboleedyada qaarkood.
Imaaraadka ayaa cadaadis weyn ku heysa dowladda Soomaaliya, taasoo ka dhalatay markii dowladda Soomaaliya ay qaadatay mowqif dhexdhexaad ah oo ku saabsan arrinta Khaliijka, kana biyo diiday inay xiriirka u jarto dowladda Qatar.