Monday, June 23, 2025

XOG: Dowladda Qatar oo Imaaradka uga guuleysatay olole Qarsoon oo ku saabsan Qaraxii Muqdisho

Dowladda Qatar ayaa ku guuleysatay olole qarsoon oo dhex maray Imaaraadka Carabta, kaasoo ku saabsanaa gargaarka loo fidinayo dhaawacyada iyo dadkii ku waxyeeloobay qaraxii qasaaraha badan dhaliyay ee Muqdisho.

Qatar ayaa si degdeg ah  u soo faragelisay arrintan, iyadoo gacan ka heshay madaxda dowladda Federaalka, waxayna ballanqaaday inay dhammaan daweyneyso dhaawacyada qaraxii Muqdisho oo dalka Suudaan la geynayo ayna bixineyso kharashkooda.

Iyadoo gacan ka heleysa madaxda dowladda Soomaaliya ayaa si degdeg ah oo aan qorsheysneyn dhaawacyadii loogu daadgureeyay dalka Suudaan, taasoo qeyb ka ahayd ololaha Qatar iyo Imaaraadka ku dhex maray Gurmadka loo fidinayo Soomaalida ku dhawacantay qarixii weynaa ee Isgoyska Soope.

Ad

Marka laga reebo dhawaacyo loo qaaday dalalka Turkiga iyo Kenya  dhammaan dhaawacyadii kale waxaa qaaday dowladda Qatar iyadoo iminka lagu daaweynayo isbitaallo ku yaalla magaalada khartoum ee dalka Suudaan oo ay kharasha bixineyso dowladda Qatar, waxaana la waayay dhaawacyo kale oo Imaaraadku doonayay inuu u qaado dalka Kenya.

Qaabka degdegga ah ee dhaawacyada loogu daadgureeyay Suudaan waxay keentay in isbitaalo aan wanaagsaneyn la geeyo dhaawacyadii, ayna muddo qaadato sidii looga saari lahaa, loona heli lahaa isbitaallo wanaagsan. Safaaradda Soomaalida ee Khartoum iyo ardayda wax ku barata dalkaasi ayaa gacan weyn ka geystay arrintan oo qeylo dhaan weyn abuurtay.

- Advertisement -

Waxaa magaalada Muqdisho ku haray 7 qof kaliya oo ka mida dadkii ku dhaawacmay qarixii Muqdisho, iyadoo intii kale loo kala qaaday dalalka Turkiga, Suudaan iyo Kenya.

HOOS KA AKHRI DEEQDA LABADA DAL KU YABOOHEEN

Dowladda Qatar waxay ballanqaaday:  Bixinta Kharashka dhammaan dhaawacyada qaraxii Muqdisho, oo intooda badan la geeyay dalka Suudaan iyo Kafaalo qaadka 100 Agoon oo waalidkooda ku waayay qaraxii Muqdisho muddo saddex bilood ah.

Dowladda Imaaraadka waxay ballanqaaday:  Bixinta kharashka 100 ka mida dhaawacyada qaraxyadii Muqdisho oo aanay ku guuleysan iyo  Kafaalo qaadka iyo bixinta biilka 300 Qoys oo ka mida agoontii qaraxa muddo lix bilood ah.

- Advertisement -

Loolanka labada dal ee dhinaca gargaarka ayaa waxaa qeybta hore ku guuleysatay dowladda Qatar, waxayna labada dal ka mideysan yihiin inaan dalalkooda lagu daweynin dhaawacyada Muqdisho, iyagoo weliba leh Isbitaaladda ugu tayada sareeya ugu waaweyn Bariga dhexe.

GOOBJOOGE.NET

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON