Monday, June 23, 2025

XOG: Dowladda Somalia oo xayiraad saartay Sawir-qaadihii la socday Almaas Elman & la-taliyaha Madaxweynaha oo difaacay…

Dowladda Soomaaliya ayaa muddo ka badan toddobaad xayiraad saartay sawir-qaadihii la socday marxuumad Almaas Elman oo Arbacadii 20-ka bishan Novembar lagu dhex dilay gudaha xerada Xalane ee magaalada Muqdisho.

Sawir-qaade Siciid Fadhaye oo ah Soomaali heysta dhalashada UK, isla markaana la soo shaqeeyay hay’ado badan oo caalami ah ayaa la sheegay in hay’adda amniga dowladda Soomaaliya ay ka qaadeen Baasaboorkiisii, isla markaana ay ku hayaan gudaha xalane, una diideen inuu dhoofo, iyadoo aan faahfaahin laga bixin sababta loo heysto iyo xayiraadda la saaray.

Saacadihii ugu danbeeyay waxaa baraha bulshada olole ka bilaabay saaxiibada Siciid Fadhaye oo ay ku jidaan weriyeyaal, waxayna dowladda Somalia ku eedeyeen inay xoriyadii ka qaaday si uusan raali ka ahayn ay xayiraad u saartay sawir-qaadaha, iyadoo aan loo fidin wax talo caafimaad iyo la-talin ah, kadib naxdintii kasoo gaartay geeridii Almaas Elman oo xilliga ay xabadda ku dhacday dhinaciisa fadhisay.

Sawir-qaade Siciid Fadhaye

La-taliyaha dhinac Amniga ee Madaxweyne Farmaajo ninka lagu magacaabo Cabdi-Saciid Maxamed Cali ayaa arrintan ka hadlay arrintan isagoo ku dooday in Siciid uu ahaa qofka kaliya ee dhinac fadhiyey Almaas markii ay xabadda ku dhacday, uuna yahay markhaatiga dilkaasi. “Wuxuu joogaa hotel wanaagsan oo Xalane ku yaalla, waan wanaagsan yahay..” ayuu yiri La]taliyaha Madaxweyne Farmaajo oo intaas ku datay inay barayaan kiiska oo anay sax ahayn wararka laga faafinayo Sawir-qaadaha.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON