Maamulka Galmudug ayaa noqday halka laga bixiyey imtixaanka Shahaadiga ahaa ee dowladda, kaasoo la joojiyey markii uu socday muddo saddex maalmood ah.
Booliska Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in bixinta Imtixaanka dowladda ee Dugsiyada Sare loo xiray shaqsi ka tirsanaa shaqaalaha Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya oo lagu magacaabo Jamaaludiin Xasan Xersi, iyadoo baaritaan lagu hayo dad kale oo kiiskan ku lug leh.
Xogta la helay ayaa sheegeysa in imtixaanka dowladda laga bxiyey degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud oo ka mida maamulka Galmudug, iyadoo ninka 29 sano jirka ah ee loo qabtay falkan la sheegay inuu muddo ka shaqeynayey xafiiska Imtixaanaadka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.
Jamaaludiin ayaa ka mid ahaa saraakiisha kormeerka imtixaanka dowladda, waxaana hadda gacanta ku dhigay ciidamada Booliska oo wada baaritaanka imtixaanka la xaday oo wasiirka Waxbarashada uu sheegay in si ula kac ah falkaasi loo sameeyay, lacagna lagu kala iibsaday.