Monday, July 14, 2025

XOG: Guddigii Doorashada oo laga saaray xubnihii wasiirada ahaa [Akhri Magacyada Guddiga cusub]

Madaxda Madasha Qaran ee shirku uga socdo magaalada Baydhaba ayaa isku raacay in isbedel lagu sameeyo guddiga Doorashada heer Federaal ee dhowaan uu magcabaay Madaxweyne Xasan Sheekh kaasoo ka koobnaa 22 xubnood kadib markii buuq fara badan ka dhashay xubnaha ku jira oo lagu ceebeeyay inay wasiiro ka mid yihiin.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxda maamulada dalka ayaa isku raacay in Guddiga doorashada laga saaro dhammaan wasiirada kasoo jeeda dowladda dhexe iyo kuwa maamulada dalka oo dhamaa 13 wasiir, taasoo Guddiga ku soo koobtay 13 xubnood oo kaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa laga soo xigtay inuu garwaaqsaday khaladkii ay ku dhaceen isaga iyo madaxda maamul Goboleedyada, wuxuuna sheegay in Guddiga Dorashada ay isku raaceen in siyaasiyiinta laga reebo, ooo guddiga intiisa kale  uu shaqeeyo si loo kasbado kalsoonida shacabka, loona abuurno xaalad horseedi karta doorashooyin xalaal.

Arrintan ayaa wararku sheegayaan in wakiilada Beesha Caalanka ay codkooda ku biiriyeen kulana taliyeen madaxda madasha in Guddiga Doorashada aanay ka mid noqon siyaasiyiin xil doon ah ama siyaasi kale taageersan.

MAGACYADA GUDDIGA DOORASHADA  HEER FEDERAAL EE CUSUB WAXAY KALA YIHIIN:

  1. Aamina Cabdulaahi Dheerow, Gobolka Hiiraan
  2. Raaxo Maxamed Janaqow, Gobolka Sh/dhexe.
  3. Cabdicasiis Shiikh Xuseen Dayib, Aqoonyahan Jubbaland
  4. Saadiq Abshir Garaad , Aqoonyahan Puntland
  5. Maxamed Cabdi Nuur, Aqoonyahan Koonfur Galbeed
  6. Cabdulaahi Salaad Yarow, Aqoonyahan Galmudug
  7. Axmed Maxamed Siciid, Somaliland
  8. Fardowsa Maxamed Ducaale , Somaliland
  9. Saalax Axmed Jaamac , Aqoonyahan
  10. Maxamed Kaynaan , Aqoonyahan
  11. Nafiisa Geedi Santuur, Aqoonyahan
  12. Cabdiraxmaan Xaashow , Aqoonyahan
  13. Barlin Cadami , Aqoonyahan

WASIIRADA LAGA SAARAY GUDDIGA DOORASHADA

  1. Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, Wasiirka Arrimaha Gudaha
  2. Maxamed Jaamac Mursal, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta
  3. Xuseen Maxamed Sheekh Xuseen, Wasiirka Dastuurka
  4. Sahra Maxamed Cali Samatar, Wasiir haweenka & Xuquuqda insaanka
  5. Maxamed Cabdi Xayir, Wasiir Warfaafinta
  6. C/weli XErsi Cabdulle, Wasiir Puntland
  7. Aadam Ibraahim Aw-xersi , Wasiir Jubaland
  8. Cabdiraxmaan Aadan Sate , Wasiir Koonfur Galbeed
  9. Xuseen Qaasim Yuusuf , Wasiir Galmudug

GOOBJOOGE.COM

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON