Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa wajahaya caqabadii ugu horeysay ee hoggaankiisa muddo ka yar 48 saacadood markii uu xilka la wareegay.
Xildhibaano, siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo jeeda beeshiisa ayaa dib u soo nooleeyay olole lagu doonayo in degaanka Garasbaaley oo ku yaalla duleedka Muqdisho loo aqoonsado Degmo buuxda oo ka tirsan Gobolka Banaadir.
Arrintan oo hore u fashilantay xilligii dowladii Xasan Sheekh markii ay isku qabteen beelo kala duwan ayaa waxaa hadda soo nooleeyay xildibaano ka tirsan dowladda federaalka iyo waxgarad la kowsaday guddoomiyaha cusub.

Dowladii Xasan Sheekh ayaa dhibaato weyn kala kulantay degmonimada Kaxda oo sharci ahaan aan waafaqsaneyn dastuurka KMG ah, laakiin beesha degta degaankaasi ay meel marisay, waxaana la xusuustaa dhibaatadii kasoo wajahday guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Xasan Muungaab.
Ololahan ayaa la sheegay inay wadaan xildhibaannada ee Beesha Wacbuudhan Abgaal u ee Baarlamaanka Federaalka oo kala ah: C/qaadir Carabow Cali, Mina Xasan Shibis iyo Yuusuf Kabaale, waxaana ku weheliya, waxayna intooda badan ka mid ahaayeen xildhibaanadii ka horjeeday xukuumadda cusub ee uu dhisay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, oo diidanaa in guddoomiye gobol loo magacaabo Taabit Cabdi.
Iyadoo xilligan ay madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha gudaha kasoo jeedaan beelo kale ayaa hadda laga yabaa in ololaha degmonimada Garasbaalley uu shaqeeyo, laakiiin waxaa hogaanka degmada cusub hore isugu qabsaday saddex beelood oo kala duwan.
Goobjooge.com
XOG: Khilaaf ka taagan degmo cusub oo lagu kordhinayo Gobolka Banaadir & caasimadda Muqdisho