Guddoomiyaha Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir Axmed Muumin Maxamed ayaa la sheegay inuu diiday qorshe lagu doonayay in xilka looga bedelo.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wada isku shaandheyn iyo kala bedel lagu sameynayo guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana arrintan ay saameyn ku yeelato ilaa afar guddoomiye.
Guddoomiyaha Shibis oo hore looga soo wareejiyay degmada Waaberi ayay wararku sheegayaan inuu ka hor yimid isku shaandheyn la doonayay in looga wareejiyo xilka iyadoo diiday in degmo kale loo wareejiyo, taasoo keentay inuu taageero uga helo beeshiisa.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa awoodi waayay bedelo guddoomiyaha degmada Shibis kadib markii uu isbedel ku sameeyay guddoomiyeyaasha degmooyinka Xamarweyne, Shangaani, Dharkeynley iyo Kaaraan.
Goobjooge.com