Monday, July 14, 2025

XOG: Guddoomiyeyaashii Degmooyinka ee xilka laga qaaday oo Xuquuq ku sheegtay G/Banaadir

Guddoomiyeyaashii degmooyinka Gobolka Banaadir ee dhowaan xilka laga qaaday ayaa la sheegay in xuquuq uga maqan Gobolka Banadir ay ka sugayaan maamulka cusub.

Gudroomiyeyaashan oo gaaraya 14, kuwaasoo markii ugu horeysay mar qura xilka laga xayuubiyay ayaa la sheegay inay ka maqan tahay mid kasta mushaar afar bilood ah iyo xuquuqo kale oo gobolka ay ku leeyihiin.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabit Cabdi Axmed ayaa hore ugu balanqaaday in arrintooda guddi loo saarayo, lana xalin doono, taasoo hadda laga cabsi qabo inay mugdi sii gasho.

Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa tan iyo intii ay xafiiska la wareegtay ku howlaneyd, isbedel iyo magacaabid madax cusub oo lagu bedelo kuwii hore, arrintaas weli socota.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON