Guddoonka laba Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal C/raxmaan iyo Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa bilaabay qorshe ka dhan ah Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo ku saabsan Doorashada Dalka.
Labada ayaa muddooyinkii danbe kulamo kala gaara la yeelanayey siyaasiyiin kala duwan iyo xubno ka mida xildhibananada Baarlamaanka, wasiirada iyo siyaasiyiin mucaarad ah, waxaana maanta soo shaac baxay kulamo dhex maraya Madaxweynayaashii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Maxamed oo hoggaamiya Isbaheysiga ugu weyn mucaaradka.
Kulankii hore ee maanta dhex maray maray Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Madaxweyanyaashii hore ayaa wararku sheegayaan in looga hadlayo xaaladda Doorashada dalka, nooca doorashada suuragalka ah iyo doorka Baarlamaanka iyo Samileyda Siyaasadda.
Guddoomiye Mursal ayaa mowqifkooda weydiina doona madaxweynayashii hore, waxaana labada guddoon ee Baarlamaanka laga soo weriyey inay aamisan yihiin inaysan dalka ka dhici karin xilligan ‘Doorasho Qof iyo Cod ah’, waxayna raadinayaan qaab kale oo looga gudbi karo.
Madaxweyne Farmaajo ayaa ku dhegan in Doorasho uu sheegay inay ku dhaceyso waqtigii loogu talogalay oo dadweynaha Soomaaliyeed ka qeybgeli doonaan, wuxuuna arrintaasi qabaa inay go’aankeeda leeyhiin xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka oo kaliya.

