Haweeney musharax u ahayd Aqalka hoose ee Baarlamaanka oo wacdarro ka dhigtay magaalada Cadaado iyadoo xiran Jaakadda aanay xabbadu karin ayaa la waayay meel ay ka baxday.
Haweeneydan oo diyaarad keligeed u qaadatay magaalada Cadaado soona jiidatay warbaahinta iyo Baraha bulshada ayaa lagu magacaabaa Fowsiya Xasan Abuukar, waxayna guddiga Doorashada Galmudug ku soo saareen liiska musharixiinta u taagan kursiga beesha Cali Gaaf ee Waceysle.
Galabtii ay dhacday doorashada ayaa kaliya waxaa soo xaadiray labadii musharax ee kale oo kala ahaa: Saadaq C/kariin Xaaji iyo C/llaahi Cali Xasan, waxaana goobta laga waayay Fowsiya oo la is weydiiyay halka ay ka baxday.
DAAWO YAABKA: Musharax soo xiratay Jaakadaha xabbadu karin oo ka degtay Magaalada Cadaado
Xogta laga helay magaalada Cadaado ayaa sheegeysa in Fowsiya Xasan Abuukar ay hanjabaad kala kulantay agaasime ku xigeenka Madaxtooyada Mudane Saadaq C/kariin oo kursiga markii dambe ku guuleystay iyadoo lagu xayiray gurigii ay degtay si looga reebo tartankii adkaa ee kursigaasi, waxaana sidaasi ku soo gabagaboobay rajadii haweeneydaasi wacdaradaha dhigtay laakiin sheekadeeda ay halkaas ku dambeysay.
Goobjooge.com