Friday, July 18, 2025

XOG: Isbedel lagu sameeyay xilliga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya 2016

Wararka laga helayo ilo ka tirsan Guddiga Doorashada Dadbana ee Soomaaliya ayaa sheegaya in dib loo dhigayo waqtiga loo qabtay doorashada Madaxweynaha.

Xogta ay heleyso Goobjooge.com ayaa sheegeysa in Guddiga Doorashada ay diyaariyeen qorshe ay doonayaan inay wax ka bedel ku sameeyaan jadwalkii doorashada 2016, siiba xilliga madaxweynaha oo hore loo qorsheeyay inay dhacdo 30 Oktoobar.

Waxaa lagu wadaa in Guddiga Doorashada uu shaaciyo maalmaha soo socda dib u dhigista Doorashada ka hor shir gaara Golaha Ammaanka ka yeelan doono aakhirka bishan arrimaha Soomaaliya.

Xilliga Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadda loo bedelayaa 30-ka Bisha November 2016. Arrintan oo keeni karta inay ka hor yimaadaan Beesha caaalmka iyo Golaha ammaanka.

Qaar ka mida musharaxiinta Xilka madaxweynaha ayaa muujiyay welwelka ay ka qabaan in doorashada 2016 ay noqoto mid jiitanta oo ugu dambeyn lagu shubto.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON