Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya ayaa la sheegay inay u gacan gashay dowladda Itoobiya iyo dad u shaqeeya kadib markii xilka wasaaraddaasi loo dhiibay wasiir ka soo jeeda Killinka Shanaad.
Qaar ka mida shaqaalaha Wasaaradda ayaa noo xaqijiyay in tan iyo intii uu Wasaaradda xilkeeda qabtay wasiir Maxamed Jaamac Mursal uu shaqada wasaaradda u qoray in ka badan 20 xubnood oo kasoo jeeda Kilinka Shanaad ee Soomaalida Itoobiya.
Dadka cusub ee wasiirku keenay Wasaaradda ayaa laga cabsi qabaa inay qaarkood yihiin saraakiil sirdoon, waxaana xogtu sheegeysaa in wasiir Mursal uu shaqada ka eryay qaar ka mida shaqaalaha Wasaaradda. Intii aan xilkan loo dhiibin ayaa la sheegay inuu wasiirkani gacan-yare u ahaa Gen. Gabre.
Qorshaha Wasiirkan xilka loogu dhiibay ayaa ahaa mid dhex maray madaxweyne Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe, kaasoo keenay in xilka laga qaado wasiirkii hore Guuleed Qaasim, waxayna mas’uuliyiinta wasaaraddan ka digayaan in wasaarad muhiimadaas leh ay toos u maamusho Itoobiya, taasoo halis ku ah Soomaalida oo dhan.
Goobjooge.com