Wednesday, June 25, 2025

XOG: Itoobiya oo Qorsheyneysa inay ciidamadeeda kala baxdo Degmo labaad oo muhiim ah

Dowladda Itoobiya ayaa la sheegay inay qorsheyneyso inay ciidamadeeda kala baxdo magaaladii labaad, kadib markii ay toddobaadkii hore ciidamadeeda kala baxday degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Wararka laga helayo Gobolka Bakool ayaa sheegay in ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan degmada Xudur ee xarunta maamulka gobolkaasi ay halkaasi ka wadaan dhaqdhaqaaq xoog leh oo laga shakiyay.

Saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan Xudur ayaa sheegay inay dareemeen diyaargarow iyo dhaqdhaqaaq aan caadi ahayn, inkastoo aan xog laga siin waxa ay damacsan yihiin ciidamada Itoobiya.

Gudaha degmada Xudur, Bakool

Dhaqdhaqaaqyada ciidamada Itoobiya ay aa ka socda gobollada Galgaduud, Gedo iyo Bakool, waxaana dowladda dalkaasi ay  hore u sheegtay in ciidamada aan ka midka ahayn AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ay dib ula noqoneyso.

Dowladda cusub ee uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaan xiriir fiican la lahayn dowladda Itoobiya, waxaana laga cabsi qabaa in magaalooyin fara badan ay u gacan galaan kooxda Alshabaab marka ay banneeyaan Itoobiyaanka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON