Khilaaf ku saabsan maamulka mushaarka Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa ka dhex taagan Wasaaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska ciidamada.
Khilaafkan ayaa salka ku haya kadib markii Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya C/rashiid C/laahi Maxamed uu dalbaday in la hoos keeno maamulka mushaarka ciidamada iyo arrimaha saadka.
Taliyaha ciidamada Xoogga Gen. Axmed Maxamed Jimcaale ayaa la sheegay inuu ka biyo diiday arrintaasi, isagoo u sheegay wasiirka inuu mas’uuliyadiisa ku ekaado, isla markaana aanu faragelin arrimaha hoggaanada ciidamada.
Khilaafka labada dhinac ayaa sababay in mushaarkii ciidamada milateriga la bixin waayo bilooyinkii ugu danbeeyay, waxaana arrintan soo dhex galay Ra’iisal wasaaraha oo la sheegay inuu taageerayo Wasiirka.
Mushaarka ciidamada milateriga ayaa qaarkood waxaa bixiya dowladda Mareykanka, halka qaar u diiwaangashan dowladda Federaalka muran badan ka taagan yahay tiradooda, ayna dhacdo in lacago badan lagu leexsado.
Goobjooge