Monday, June 23, 2025

XOG: Koox Wasiiro iyo Xidhibaano ah oo Qorshe la yaab leh u diyaarisay dib u sharxidda Prof. Jawaari

Iyadoo uu bilowday ololaha doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa socda qorshe la doonayo in dib xilkaasi loogu doorto Guddoomiyihii Baarlamaanka 9-aad.

Koox ka kooban Wasiiro, xildhibaano iyo Siyaasiyiin ayaa diyaarisay Qorshe la yaab leh oo culeyska looga qaadayo Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari), kaasoo lagu soo doonayo in dib loogu sharxo xilka.

Qorshahan oo ay hormuud u yihiin siyaasiyiin ku kacsan madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ujeedkiisu yahay xaflad weyn oo aan hore loo arag taasoo Prof. Jawaari looga codsanayo inuu mar kale isu taago tartanka Guddoomiyaha Baarlamaanka cusub.

Guddoomiye Jawaari oo albaabada ka xirtay Xildhibaanada BaarlamaankaMaalmaha soo socda ayaa lagu wadaa inay munaasabadaasi ka dhacdo magaalada Muqdisho, waxaana ka dambeyn doona inuu Prof. Jawaari ku dhawaaqo musharaxnimadiisa xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka 10-aad, taasoo dhinaca kale dhabar jebin ku noqon doonta qorshihii Shariif Xasan ee xilka madaxweynaha.

Wasiiro hore,  xildhibaano ku guuldarreystay kuraas ay ka helaan doorashadii Baydhaba iyo siyaasiyiin kale oo ku kacsan Shariif Xasan ayaa dadaalkooda isugu geeyay inuu mar kale soo laabto Prof. Jawaari, kadibna ay kala firdhiyaan qorshihii Shariifka ee xilka Madaxweynaha iyo gorgortankiisa xilalka waaweyn ee beeshiisa.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON