Iyadoo uu magaalada Muqdisho ka socday ololaha saxiixa mooshin lagu doonayo in xilka looga qaado madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa kooxda wada ololahan la sheegay inay shuruudo ku xireen ka noqoshada iyo joojinta mooshinka.
Xildhibaanno, Siyaasiyiin ay ka mid yihiin musharixiin madaxweyne iyo wasiiro hore oo intooda ugu badan ay ka socdaan kooxdii Damjadiid ee Qabyo ayaa laga soo xigtay inay ka joojinayaan ololaha mooshinka haddii isku shaandheyn lagu sameeyo xukuumadda lagana siiyo xilal wasiiro.
Xubnaha hormuudka u ah kooxdan ayaa la sheegay inay la kulmeen ergo ka socotay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre iyagoo dooda ugu weyn ee ay qabaan ay noqotay in albaabada laga xirtay isla markaana madaxweynaha isla markaana laga fogeeyay awoodda dalka.
Lama oga in dalabka kooxdan la aqbali doono iyo in kale, laakiin waxaa la xaqiijiyay inay isbaheysiga ka horjeeda dowladda Farmaajo uu yahay ujeedo badan ay ku kulansan yihiin dad kala duwan oo aan isku mabda’a ahayn, balse ka mideysan inay xilal ka helaan dowladda ama ay maja xaabiyaan.