Ergadii uu Fahad Yaasiin la tegay Beledweyne waxay ahaayeen dad Soomaali oo dhan isugu jira, laguna doortay xildhibaannada halkan ku qoran (Akhriso)
20-kii Febraayo 2022, waxaa magaalada Beledweyne ka degay Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin, isagoo diyaarado magaalada Muqdisho uga qaaday ergo uu doonayey inay u doorato kursiga Beeshiisa ee HOP086.
Magaalada oo ku jirta murugada Qarax weyn oo ka dhacay, ayna ku dhinteen dad fara badan ayaa loo xiray Doorashada iyo kursiga uu soo qaadanayo La-taliyaha Farmaajo, waxaana bandow la geliyay dadweynihii Beledweyne.
Doorashada kursiga HOP086 waxaa la qabtay iyadoo uu go’aan hakin ah kasoo baxay Guddiga Doorashada FEIT, waxaana Fahad la socday dad fara badan oo lagu yiqiin inay ka mid yihiin taageerayaasha kooxda N&N ee loo yaqaan CBB-da.
Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa in Ergada uu watay Fahad Daahir Axmed aysan ahayn ergada Beesha iska leh Kursiga, balse ay ka koobnaayeen taageerayaasha kooxda oo kasoo kala jeeda Somaliweyn, arrintaas oo odayaasha Beesha Reer Aw-Xasan ay caddeeyeen.
Inuu Fahad kusoo qaatay Kursiga Beeshiisa ergo aan ahayn beeshii lahayd kursiga inkastoo qaarkood ay ku jireen, waxaana ergey kasta la siiyey lacag dhan $2000, waxaa kasii daran in ergadaasi ay sidoo kale doorteen shan kursi oo kale, kuwaas oo kooxda Farmaajo kasoo saaratay Magaalada Beledweyne, isla maalintaasi.
Xildhibaannada (Halkan ka akhriso) kusoo baxay Ergadii Somalilweyn ee Fahad Yaasiin watay waxay kala yihiin:
Xiis Xasan Aadan -Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Haweenka- ayaa ka mida xildhibaannada ay soo doorteen Ergadii Fahad Yaasiin, waxayna ka mid ahayd musharixiinta ay wataan kooxda Farmaajo, iyadoo kursigan hore ugu fadhiday.
Maxamed Barre Fiyoore, wuxuu kusoo baxay kursiga HOP008, waxaana dooratay ergadii Fahad Yaasiin, iyadoo si degdega ay kooxda Farmaajo ay doorashadiisa u dedejisay, ergada uu heli karana ay ahayd mid aad u yar. Xildhibaan Dr. Hussein Abdi Elmi oo kuriga hore ugu fadhiyey ayaana laga hor istaagay.
Maxamed Cabdullahi Xasan Nuux, wuxuu dooratay ergadii Fahad Yaasiin, isagoo ahaa musharax aan taageero ka heysan Beeshiisa, Baarlamaankii hore ee 10-aadna kusoo baxay qalalaase, waxaana markan uu taageero ka helay madaxweynaha K/Gabeed iyo kooxda Farmaajo.
Cabdifitaax Qaasim Maxamuud oo ahaa Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhigga, wuxuu saaxiib dhow la yahay Fahad Yaasiin, ergadiisa oo yareyd darteedna waxaa doorashadiisa ka qeyb galay ergadii uu Beledweyne geeyay Fahad Yaasiin.
Cabdikariim Cumar Xusee:n waa xildhibaan kale oo kusoo baxay doorashada Ergadii Somaliweyn ee Fahad Yaasiin, waxaana kurisgan ay kooxda Farmaajo kala wareegtay Wasiir kuxigeenkii hore ee Gaashaandhigga Cabdullaahi Colaad Rooble oo looga shakiyey xiriir uu la yeeshay mucaaradka. Cabdikariim Cumar Xuseen ayaa loogu deeqay ergda Fahad Yaasiin.
Waxaa la yaab leh in Kursigii awoodda ciidan iyo dhaqaalaha dowladda loo adeegsaday ee HOP086 ee uu kusoo baxay agaasimihii hor ee NISA Fahad Daahir Axmed uu muran ku jiro markii Guddiga FIET ay ku dhegeen, halka shantii kursi ee ergadiisa ay dooratay ee sida sharci darrada ah kusoo baxay ay noqdeen xildhibaan rasmi ah oo la dhaariyay.

