Monday, June 23, 2025

XOG: Laba Beelood oo ku tartamaya xilka Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya & Beesha uu wato Madaxweynaha

Ololaha loogu jiro xilka Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa kusoo koobmay laba beelood, kadib markii laga soo xigtay Madaxweyne Farmaajo inuu Beehana kasoo magacaabayo Ra’iisal wasaaraha cusub.

Xogta laga helay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegeysa in magacaabidda xilkan oo si weyn looga fiirsanayo laga soo xuli doono Beesha Hiraab (H/Gidir iyo Abgaal), sida laga soo xigtay Madaxweynaha, waxaana meesha ka baxaya beelaha kale ee Hawiye oo awood qeybsi ahaan u leh xilkan.

Sida ay sheegayaan xubno isugu jira siyaasiyiin iyo aqoonayahanno la kulmay madaxweyne Farmaajo wuxuu madaxweynaha door bidayaa inuu Ra’iisal wasaaraha kasoo xulo Beesha H/Gidir, gaar ahaan Beesha Sacad oo musharixiinteeda ay hareeyeen Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana si weyn loogu badinayaa ilaa saddex musharax oo laba ka mida aad loo hadal hayo (Ka akhriso halkan).

Dhinaca kale waxaa is wada musharaxa Cali Maxamed Geedi oo la xaqiijiyey inuu iskiis dadaal ugu jiro sidii xilkaasi loogu magacaabi lahaa, waxaana ololihiisa xilkan laga dareemay baraha bulshada, isagoo ku dhaqaaqay tallaabooyin uu isugu muujinayo in loo magacaabayo ilaa ay arrintu gaartay in ciidamo dheeraad ah oo ilaalo ah uu dalbado.

Tartanka xilka Ra’iisal wasaaraha ayaa hadda kusoo haray jufooyinka Sacad H/Gidir iyo Harti Abgaal oo midna madaxtooyada ay wadato, beesha kalena ay iskeed u ololeyneyso, waxaana arrinta uga sii daray Madaxweyne Farmaajo oo si weyn u daahiyey magacaabista xilkan oo maanta ay tahay maalintii 31-aad ee dalka yahay Ra’isal wasaare la’aan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON